Waxay ahayd wax aysan cidina maleysan karin in Dowladda Suuriya ay dhowr cisho gudahood ku weyn doonto Magaalada Hama, marka aad fiiriso muhiimadda ay leedahay iyo meesha ay ku taalo.
Magaalada istiraatiijiga ah ee Hama oo ku taala bartamaha Suuriya ayay dowladdu dadaal badan ku bixisay, sidii ay u sii haysan lahayd. Hama ayaa isku xirto Caasimadda Dimishiq iyo Magaalada Aleppo (Xalab). Aleppo waa magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi, halka Hama ay tahay tan afaraad ee ugu weyn.
Militariga Suuriya oo ciidan xoog leh geeyay, si magaalada looga difaaco kooxaha hubeysan, welibana iyada oo cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ayay haddana ku guuldareysteen in ay kooxaha abaabulan ka hor istaagaan inay qabsadaan Hama.
Kooxahan ayaa gelinkii dambe Khamiistii si buuxda ula wareegay magaaladaasi, ka dib markii ay soo jiireen dhufeysyadii ay ciidamadu ka sameysteen waqooyiga magaaladaasi.
Kooxahan ayaa soo galay magaalada, iyagoo rasaas ridaya, waxayna xalay u dabaaldeggeen qabsashadeeda.
Militariga Suuriya ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ciidamada laga saaray magaalada, si aan loogu dhex dagaalamin, burburna aanu uga soo gaarin.
Kooxaha Islaamiyiinta oo Sabtidii soo qabsaday Magaalada Aleppo ayaa culeys weyn soo saaray Hama, taas oo bilowgii hore ee dagaalka sokeeye ee Suuriya mar xarun u ahayd Xoogaga Sunniyiinta ee ka soo horjeeda Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad.
Hadda kooxaha mucaaradka waxay ku guuleysteen inay kala jaraan Magaalooyinka Dimishiq iyo Hama iyo weliba Gobolada Koonfurta iyo Waqooyiga Suuriya.
Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) oo hoggaaminaya kooxaha la dagaalamaya Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub culus, oo lagu sheegay kuwii uu horey Ruushka u siiyay Maamulka Madaxweyne Asssad. Ciidamada ayaa hubkan uga cararay magaaladan ugu dambeysay ee laga qabsaday ee Hama.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay abaabulayaan duulaan ballaaran oo ay ku qaadaan Caasimadda Dimishiq, iyadoo magaalada ugu muhiimsan ee ka horeysana ay tahay Homs. Haddii Homs la qabsado waxay ka dhigan tahay in difaacii shubka ahaa ee ka soo horreyay Dimishiq uu jug weyn gaaray.
La wareegista fallaagada ee Magaalada Hama ayaa madax xanuun ku riday Madaxweyne Assad iyo xulafadiisa Iran iyo Ruushka, kuwaa oo aan la aqoon tallaabada xigta ee ay qaadi karaan, si dowladdiisa loo samatabixiyo.
Farriimaha ka imanaya Moscow iyo Tehran ayaa muujinaya inaanan meel cidlo ah looga tagi doonin hoggaamiyaha ay muddada dheer kursigiisa ku ilaalinayeen, xaalkase waxaad mooddaa in sidii hore uu ka culus yahay.