Home Dhacdooyin Dunida Muslimka oo qayb ka mid ah maanta laga sooman yahay maalinta 1aad ee bisha Ramadan

Dunida Muslimka oo qayb ka mid ah maanta laga sooman yahay maalinta 1aad ee bisha Ramadan

by Laacib

Qaar badan oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa maanta laga sooman yahay maalinta 1aad ee bisha barakaysan ee Ramadan, iyadoo kuwo kalena ay soomi doonaan Axadda.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa xalay ku dhawaaqday in maalinta 1aad ee bisha Ramadan ay tahay Sabtidan oo 1-da bisha March ah.

Boqortooyada ayaa sheegtay in bisha Shacbaan ay ku dhammaatay 29 cisho, bilashada bisha Soon-qaadna laga arkay meelo ka mid ah dalkaasi.

Dalalka Carabta, qaar ka mid ah kuwa Asia, Afrika iyo iyo inta badan Muslimiinta ku nool caalamka intiisa kale ayaa xalay bilaabay in ay tukadaan Salaadda Taraawiixda, isla-markaana ay saxuurtan.

Somaliya oo kale waxay ka mid tahay dalalka xalay fiidkii ku dhawaaqay in Sabtida la soomi doono.

Dhanka kale dalal ay ka mid yihiin Malaysia, Brunei, India, Pakistan, Bangladesh iyo Iran ayaa iyagu sheegay in Sabtida ay kaamil yeelayaan 30-ka Shacbaan, haddii aanan dalalkaasi laga arkin bilashada bisha.

Wadamadan oo raacaya aragooda bisha ayaa maalinta koowaad soomaya Axadda berrito ah ee 2-da March.

Dalka Ciraaq oo kale waxaa ka jira kala qaybsanaan. Hay’adda Awqaafta Sunniga Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in Ramadanka ay bilaabayaan Sabtida, halka wadaadka ugu sarreya Shiicada Ciraaq, Ayatollah Ali Al Sistani uu isna ku dhawaaqay Axadda inay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan.

Go’aaminta xilliga la bilaabayo Soonka ayaa ku xiran xisaabinta dayaxa iyo aragtida dayaxa ee bisha cusub, iyadoona billaha Hijriyada ay intooda badan ku dhammaadaan 29-30 cisho.

Soonku waa tiir ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waxayna ummadda Muslimiinta soomaan inta ay qoraxda ka soo baxeyso, illaa iyo inta ay ka dhaceyso, muddo 29 illaa 30 maalmood ah.

Bisha Ramadan ayaa ah bisha ugu fadliga badan ee billaha Islaamka, waana bisha qof kasta oo Muslim ah oo qaangaar ah, isla-markaana caafimaad qaba ay ku waajibto inuu soomo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc