Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 10-kii bishan magacaabay Gudoomiye Amiir oo ku cusub siyaasadda dalka, muddana ku noollaa dalka Ingiriiska.
Yuusuf Xuseen Jimcaale oo 26 bilood ku magacawnaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub, madal uu goobjoog ka ahaa Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa xilka u kala wareejiyay Gudoomiyaha cusub iyo Gudoomiyihii hore.
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Caasimadda Muqdisho ay ka bilaaban doonto doorashooyinka qof iyo cod ee dalka laga qabanayo, isla-markaana uu Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ee xilka la wareegay uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee ku yimaada magacaabis.
“Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo oo Magaalada Muqdisho dadkeedu ay soo doortaan hoggaankii meteli lahaa, waxaana rajaynayaa Gudoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo Gudoomiyihii ugu dambeeyay ee magacaabis ku yimaada.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaare Barre ayaa kula dardaarmay Duqa cusub ee Muqdisho in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaalada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada kale ee bulshada.
Barre ayaa Gudoomiyihii hore kaga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay horumarinta caasimadda, intii uu xilka hayay.