Home Dhacdooyin Duqaymaha Israel oo wax ka bedelay noloshii Magaalada Beirut

Duqaymaha Israel oo wax ka bedelay noloshii Magaalada Beirut

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa sii wada duqaymaha culus ee ay ku hayaan Magaalada Beirut, iyadoona magaalada uu burbur weyn ka soo gaarayo weerarada xagga cirka ee ku socdo.

Duqaymaha Israel ee magaaladaasi ayaa noqday sida tusbax go’ay oo kale, tan iyo markii 27-kii bishii September ay duqayn ku ekeysay goob uu ku sugnaa Hoggaamiyihii Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah, kaas oo la sheegay in weerarka lagu dilay.

Beirut waxay hadda u muuqataa mid ka mid ah goobaha ugu badan ee ay Israel ka gaysaneyso weerarada xagga cirka. Duqaymaha Israel ayaana si guud u saameeyay dalka Lubnaan oo dhan.

Israel ayaa waxaa cad inay ahmiyad badan siineyso weerarada ay ka fulineyso Caasimadda Beirut, gaar ahaan xaafadaha koonfureed ee magaalada, halkaas oo Xisbullah ay ku xoogan tahay.

Xaafadda koonfureed ee Dahieh ayaa ah tan ugu badan ee Beirut ku taala ee weerarka xooggiisu uu socdo, waana xaafadda ay Israel ku dishay saraakiishii ugu muhiimsaneyd ee Xisbullah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ciidamadiisu ay dagaal buuxa kula jiraan Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalkaasi. Netanyahu ayaa ku hanjabay inaysan meel-na uga hari doonin Xisbullah, si ay u xaqiijiyaan yoolkooda dagaalka, ee ah burburinta Xisbullah.

Duqaymaha sii kordhaya ee laga gaysanayo Beirut ayaa wax weyn ka bedelay qaab nololeedkii magaalada, waxayna baqdinta ka jirta magaalada ay keentay in wax kasta ay iska bedelaan, sidoodii hore.

Magaalada waxaa ku soo badanaya burburka guryihii la deganaa, waxaana kordhaya waddooyinka ku xirmaya duqaymaha Israel. Burburka ka dhasha dhismayaasha la beegsanayo ayaa xiraya waddooyinka, taas oo isu socodka magaalada ka dhigeysa mid xadidan.

Tobanaan kun oo qoys ayaa lagu khasbay inay guryahooda ka cararaan, iyadoo qoysas ka soo cararay magaalooyinka koonfurta ee dalka oo soo gaaray Beirut lagu riixay inay mar kale barakacaan.

Qaar badan oo ka mid ah dadka degan magaalada, habeen oo dhan waa kuwo isku dayaya in ay ka baxsadaan weerarada ay wadaan diyaaradaha dagaalka Israel, maadaama inta badan ay weeraradu dhacaan xilliyada habeenkii.

Dad badan oo laga barakaciyay qaybaha koonfurta ayaa dulsaar ku noqday Lubnaaniyiinta kale ee ku nool xaafadaha waqooyiga.

Dadka rayidka ah qaybtood ayaa habeenkii ku hoyda waddooyinka iyo dhulka xeebta ee magaalada, si aan loo bartilmaameedsan.

Ergayga Gaarka Qaramada Midoobey ee Lubnaan, haweeneyda lagu magacaabo Jeanine Hennis-Plasschaert ayaa sheegtay in cabsida ay hadda gaartay bugcad kasta oo Beirut ah.

Haweeneydan ayaa sheegtay in qaraxyada waaweyn Israel ee gilgilaya magaalada ay hurdo la’aan ku rideen dadka deegaanka.

Magaaladu wax shaqo ah ma leh oo dhaqdhaqaaqii ganacsiga ayaa istaagay, goobaha ganacsiga intooda badana waxay ku xirmeen colaadda jirta.

Colaadda ku fidday waqooyiga, koonfurta iyo xuduudda koonfureed ee Lubnaan ayaa keentay in shirkadaha diyaaradaha ay is tusaan mid aan suurtagal ahayn in xilligan la tago dalkaasi, sababo dhinaca ammaanka ah.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa si guud u joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Garoonka Diyaaradaha Rafic Hariri ee Beirut, maadaama aysan haysan wax damaanad qaad ah.

Tani waxay keentay in dadka ladan ee reer Lubnaan iyo muwaadiniinta shisheeye ay ku adkaato in ay isaga baxaan dalka oo dhan, inkastoo ay jiraan dad ay goor hore u suurtagashay in ay dalka uga baxaan duulimaadyo iyo safaro xagga badda ah.

Dadka reer Lubnaan iyo ajaaniibtuba waxay ka walaacsan yihiin in dagaalku uu daba dheeraado, taas oo haddaba ay ifafaalaheedii muuqato.

Taliska Militariga Israel ayaa ku goodiyay in ciidamadu ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah kaabeyaasha militari iyo xarumaha kale ee Xisbullah.

Militariga Israel ayaa 7-dii bishan ku dhawaaqay in la ballaariyay hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ciidamadu ka wadaan deegaanada xadka koonfureed ee dalkaasi, si halkaasi looga sifeeyo Xoogaga Xisbullah.

Wasaaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa ku warantay in dadka rayidka ah ay noqdeen dhibaneyaasha ugu badan ee weerarada Israel.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in in ka badan 2,160 qof ay ku dhinteen duqaymaha Israel, in ka badan 10,200 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaa oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.

Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad ayaa sheegay inay jiri karaan dad dhintay iyo kuwo kale oo dhaawacmay, kuwaas oo tirada la diiwaangeliyay aan ku jirin, maadaama tirooyinka ay soo bandhigaan lagu saleeyo xogaha laga helo goobaha caafimaadka.

Wasiirka Abiad ayaa Israel ku cambaareeyay in weeraradeeda ay yihiin kuwo aan loo meel dayeynin.

Dadku waxay si weyn hadal hayaan dagaalkan u dhaxeeyo Israel iyo Xisbullah, waxayna muujinayaan xaalad quus ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc