Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta illaa caawa fiidkii ay duqaymo culus ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay garaaceen Degmada Alkowsar iyo dhulka hawdka ah ee hoostaga degmadaasi.
Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in duqayn kaloo culus ay ka dhacday aagga deegaanka Juxaay oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaaradahaasi ay beegsadeen goobo ay isku uruursaneysay maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen gaadiid dagaal.
Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ee ka taageeraya hawlgalka hawada ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqayntaasi.
Shabaabka ayaan dhankooda ka hadlin duqayntan ugu dambeysay ee ka dhacday Gobolka Shabellaha Dhexe, waana Shabaabka oo aan aalaaba faah faahin waxyeelada ka soo gaarta duqaymaha lagu hayo.
Gobolkan ayaa waxaa ka socdo hawlgal gaar ah, kaas oo cir iyo dhulba lagu la dagaalamayo, waxa ay masuuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku sheegeen kooxaha Khawaarijta.