11 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, tobanaan kalena ay ku dhaawacantay duqayn ka dhacday magaalo ku taala Buuraleyda Golan ee Suuriya laga haysto.
Duqayntan ayaa ka dhacday garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaala Magaalada Majdal Shams, sida uu xaqiijiyay Taliska Militariga Israel.
Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari oo goor dhow hadlay ayaa masuuliyadda weerarka ku eedeeyay Ururka Xisbullah.
Afhayeenka ayaa sheegay in gantaal laga soo tuuray koonfurta dalka Lubnaan uu sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawacba leh ee soo gaaray dadka rayidka ah, sida uu yiri.
Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka dhintay ay da’doodu u dhaxeyso 10 illaa 20 jir.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in 11 qof ay ku dhinteen gantaalka, 30 kalena ay ku dhaawacantay.
“Inkastoo oo seeriga digniinta uu dhawaqay, haddana aad bay u gaabneyd digniinta dhibaneyaasha, kuwaas oo awoodi waayay inay cararaan waqtigii loogu talagalay.” Ayuu ku waramay Wargeyska The Times of Israel.
Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo Warbaahinta maxaliga ay soo xigatay ayaa sheegay in Xisbullah ay ka gudubtay khadka cas.
Ururka Xisbullah ayaa iska fogeeyay masuuliyadda weerarkaasi, iyagoona sheegay haba yaraatee inaysan wax lug ahi ku lahayn weerarka.
“Iska caabinta Islaamiga ah wax lug ah kuma lahan dhacdadan.” Ayay Xisbullah ku sheegtay war ay soo saartay, laakiin Militariga Israel ayaa ku andacoonaya in ay caddeymo ku filan u hayaan.
“Waa wax cad, Xisbullah ayaa ka masuul ah dilka carruurta aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Daniel Hagari, Afhayeenka Ciidamada Israel.
Hagari ayaa ku hanjabay in Ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan jawaab ka dhan ah Xisbullah, sida uu yiri.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa la sheegay inuu si degdeg ah ugu soo laabanayo Israel.
Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa xoogeysanayay duqaymaha ay Xisbullah iyo Israel isku weydaarsanayaan deegaanada xuduudda ee labada dal, taas oo keentay cabsi sii kordheysa oo laga qabo inay huriyaan dagaal ballaaran.
Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa tan iyo 8-dii bishaasi gantaalo isku weydaarsanayay xuduudda.
Xiisadda xadka ayaa la sheegaya inay caawa tahay mid aad u sarreyso, iyadoona ay dadku ka baqdin qabaan in xaaladdu ay faraha ka baxdo.
Dagaal toos ah oo dhex mara Israel iyo Xisbullah ayaa keeni kara dagaal gobolka oo dhan ah, marka aad eegto quwadaha is diidan ee la kala safan labada dhinac.