Diyaarado dagaal ayaa xalay garaacay bartilmaameedyo ku yaala Degmada Alkowsar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in la beegsaday goobo ay degmadaasi kaga sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaadka Al Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dhowr qarax oo waaweyn ay gilgileen degmada, isla-markaana aysan jirin cid ka ag-dhawaan karta goobaha la duqeeyay, maadaama aysan maleeshiyadu ogoleyn in loo soo dhawaado.
Ilaha deegaanka ayaa sheegaya in dadku ay isla dhex marayaan in mid ka mid ah gantaalada lagu garaacay degmada lala eegtay goob ay horjoogeyaal Shabaab ahi kula hadlayeen maleeshiyadooda.
Duqayntii xalay ayaa ka xooganeyd middii Sabtidii laga fuliyay degmadaasi. Duqayntan ayaa sidoo kale laga maqlay deegaanada u dhaxeeya Degmooyinka Alkowsar iyo Aadan Yabaal.
Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin duqaynta culus ee xalay Shabaabka loogu gaystay Degmada Alkowsar.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hay’adda NISA ayaad mooddaa in habeenadii u dambeeyay ay hakiyeen warbixinadii ay ku faah faahinayeen goobaha ay duqaymuhu ka dhacaan.
Diyaaradaha dagaalka ayaa muddooyinkan weerarayay meelaha ay isugu soo xoomaan maleeshiyadaasi, gaar ahaan kuwooda ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe. Hawlgalka hawada ayaa lagu taageeraya ciidamada dhulka, waxaana looga hortagaya is fiditaanka Shabaabka iyo deegaanada ay isku dayayaan in ay qabsadaan.
Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sii kordhinaya weerarada xagga cirka ee looga gol leeyahay in lagu wiiqo Al Shabaab.
Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa mar sii horreysay qof kasta oo aan Shabaab ahayn ugu baaqay in uu ka fogaado meelaha ay kooxaha argagixisada joogaan.