Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in xalay xagga cirka laga garaacay saldhig ay maleeshiyada Daacish ku leedahay deegaanka Shebaab ee Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka bari.
Taliska ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in duqaynta lagu dilay in ka badan 30 ka mid ah maleeshiyadaasi, una badan ajaaniib.
Taliska ayaa sheegay in sidoo kale duqaynta lagu burburiyay gaari saad u waday maleeshiyadaasi, inkastoo aanu faah faahin nooca saadkaasi.
“Laba duqayn oo hawlgalku ka fuliyay deegaanka Shebaab ee Buuraleyda Calmiskaad waxaa lagu dilay in ka badan 30 argagixiso Daacish ah oo ajnabi u badan, iyadoo lagu gubay gaarigii saadka u waday. Hawlgalku waa cir iyo dhul.” Ayaa lagu yiri warka.
Duqayntan ayaa imaneysa, iyadoo Saraakiisha Puntland ay Arbacadii mar kale soo bandhigeen meydadka xubno ka tirsanaa Daacish, ka dib dagaalkii faraha looga gubtay ee Talaadadii Ciidanka Puntland iyo Daacish ku dhex maray Buuraleyda Calmiskaad.
Taliska Ciidanka Puntland ma sheegin cidda fulisay amaba ka caawisay duqayntii ugu dambeysay ee xalay, waxaase la fahamsan yahay in Emirate-ka Carabta uu maalmihii ugu dambeeyay kordhiyay duqaymaha ay Ciidanka Puntland kaga caawinayaan hawlgalka ciribtirka Daacish ee ka socdo Gobolka Bari.
Daacishta Somaliya ayaa hawlgalkan kala kulmeysa culeyskii ugu weynaa, tan iyo intii ay ka hawlgaleysay deegaanada Puntland.