Home Wararka Maanta Duqayn ka dhacday bariga Gobolka Hiiraan

Duqayn ka dhacday bariga Gobolka Hiiraan

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay ay duqayn xagga cirka ah ka dhacday bariga gobolkaasi, xilli ciidamadu ay hawlgal ka wadaan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxyo waaweyn laga maqlay inta u dhaxeyso hawdka deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow ee ku dhow jiinka Webiga Shabelle.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay hawada ka duqeeyeen maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan dhulka u dhaxeeya deegaanadaasi.

Shabaabka ayaa Jimcihii ciidamada dagaal culus kula galay hawdka deegaanadaasi, iyadoona labada dhinac ay saacado badan halkaasi ku dagaalamayeen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa kubaareeyay Jicibow, waxaana hawlgalkaasi ku wehlinaya cutubyo ka tirsan Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Militariga Jabuuti ayaan si toos ah qayb uga ahayn dagaalka, balse waxay ciidamada ka taageerayaan madaafiicda goobta ee lagu burburinayo dhufeysyada Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin weerarkan xagga cirka ee ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay gobolkaasi.

Duqayntan ayaa waxay imaneysaa, iyadoo maleeshiyada Shabaabka ay isku dayayaan in ay difaacdaan gacan ku haynta Jicibow.

Jicibow ayaa hadda ah furinta ugu weyn ee dagaalka ka soconaya bariga gobolkaasi, marka aad eegto ahmiyadda ay labada dhinac u leedahay.

Shabaabka ayaa Jicibow ku leh difaacooda ugu weyn ee bariga Gobolka Hiiraan, haddii laga qabsadana waxay culeys ku keeni doontaa deegaanada galbeedka gobolkaasi. Shabaabka ayaa muddo dheer ka arriminayay gobolka galbeedkiisa.

Jicibow oo gacanta lagu dhigo ayaa ciidamada ka caawineysa in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan dhulka jiinka webiga ee bariga gobolkaasi, ka hor inta aanu bilaaban hawlgalka ku wajahan daanta galbeed ee webiga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc