Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta dhowr bartilmaameed ka fuliyay Magaalada Beirut, tani oo qayb ka ah duqaymaha ay illaa Isniintii ka gaysanayeen magaaladaasi iyo guud ahaanba dalka Lubnaan.
Duqayntii ugu dambeysay ee ka dhacday Beirut ayaa lagu beegsaday dhisme dhowr dabaq ah oo ku yaala xaafadda Dahieh, oo ay ku xoogan yihiin Xoogaga Xisbullah ee saamaynta militari iyo midda siyaasadeedba ku leh dalkaasi.
Taliska Militariga Israel ayaa gelinkii dambe ee maanta sheegay in weerarka xagga cirka ah lagu dilay Saraakiil ka tirsan Ururka Xisbullah.
Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in xubnaha lagu dilay weerarka uu ka mid yahay Ibrahim Qubaisi, kaas oo ay ku sheegeen inuu ahaa Madaxii Gantaalada ee Xisbullah.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa hay’adaha ammaanka ee dalkaasi ka soo xigatay in duqaynta lagu dilay taliye ka tirsan Ururka Xisbullah oo lagu magacaabo Ibrahim Qubaisi.
Wararka ayaa sheegaya in lix qof lagu dilay weerarka, shan iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.
Xisbullah ayaan weli xaqiijin geerida Ibrahim Qubaisi, balse haddii ay geeridiisa xaqiijiso waxay ururka uga dhigan dhabar jab kale, ka dib duqayntii Israel ay Jimcihii ku dishay Saraakiil uu ka mid ahaa Ibrahim Aqil, oo noqday Sarkaalkii ugu sarreyay ee laga dilo Xisbullah, tan iyo 30-kii bishii July, markaas oo Israel duqayn ka dhacday Beirut ay ku dishay Abaanduulihii Militariga Xisbullah, Fuad Shukr.
Israel ayaa sii wadda weerarada ay ku bartilmaameedsaneyso Saraakiisha Xisbullah, xilli ay suurtagal tahay in uu ka dhex qarxo dagaal fool ka fool ah.
Israel ayaa isku dayeysa in ay xagga cirka ka naafeyso Xisbullah, ka hor inta aan la isla gaarin dagaal fool ka fool ah.