Home Wararka Maanta Duqayn ka dhacday deegaanka Ceelbacad ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Duqayn ka dhacday deegaanka Ceelbacad ee Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta ay duqayn xoogan ka dhacday deegaanka Ceelbacad ee gobolkaasi.

Ceelbacad waxay hoostagtaa Degmada Ruunirgood, waxaana muddooyinkan ku sugnaa maleeshiyada Al Shabaab.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya goobta ay duqayntu ka dhacday. Wararka qaar ayaa sheegaya in duqaynta lala beegsaday gaadiid ay la socdeen xubno Al Shabaab ah, halka warar kalena ay sheegayaan in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhowr jug oo is xigxigtay laga maqlay inta u dhaxeyso Ceelbacad iyo Galibaax.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in weerarka xagga cirka lagu beegsaday xubno sarsare oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo qorsheynayay falal lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa ku warantay in duqaynta lagu dilay horjoogeyaal uu ka mid yahay nin lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas.

“Sidoo kale waxaa halkaas lagu gubay saddex gaari oo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu baahiyay Raadiyaha Ciidamada Dowladda.

Warbaahinta Dowladda ayaa warisay in duqaynta ay iska kaashadeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc