Home Wararka Maanta Duqayn lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab oo ka dhacday Gobolka Shabellaha Dhexe

Duqayn lagu dilay xubno ka tirsanaa Al Shabaab oo ka dhacday Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Xoogga Dalka oo iskaashanaya ay Gobolka Shabellaha Dhexe ka fuliyeen duqayn lagu dilay xubno ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in duqayntan oo xalay laga fuliyay deegaanka Geelgub lagu dilay 21 xubnood, oo isugu jira sida ay sheegtay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al Shabaab. Geelgub waxay hoostagtaa Degmada Cadale.

“Hawlgalkan lagu beegsaday Khawaarijta ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay oo lagu guuleystay in hal goob lagu soo afjaro nolosha dhammaan xubnihii Khawaarijta ee bartilmaameedka u ahaa Ciidanka Qaranka ee hawlgalka fuliyay.” Ayay NISA ku sheegtay war ay saqdii dhexe ee xalay soo saartay.

NISA ayaa mar kale ku celisay baaqeedii ahaa in dadka shacabka ahi ay isaga fogaadaan meelaha ay ka ag-dhow yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

“Hay’adda NISA, waxa ay mar kale dadka rayidka ah ku wargelineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta, maadaama la xoojiyay hawlgalka dalka looga sifeynayo haraadiga Khawaarijta.” Ayay NISA ku sheegtay warkeedan.

Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa wajahaya xaalad aad u cakiran, oo ka dhalatay weerarada ay Shabaabku ku hayaan deegaanada bariga gobolkaasi ee horey looga saaray iyo Dowladda Federaalka oo dadaal ugu jirta, sidii loo joojin lahaa weeraradoodaasi, uuna u sii socon lahaa wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Shabaabka ayaa culeys xoog leh soo saaray bariga gobolkaasi, maalmo yar uun ka dib, markii uu gobolkaasi ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dalka looga saarayo.

Al Shabaab ayaa xusul-duub ugu jirta, sidii ay u difaacan lahayd galbeedka gobolkaasi, oo dhowr iyo toban sano ay ka arrimineysay.

Indhaha oo dhan ayaa ku sii jeeda xasaradda ka oogan Gobolka Shabellaha Dhexe ee Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc