Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in la duqeeyay Magaalada Sanca iyo goobo kale oo ku yaala dalkaasi.
Nasruddin Amer oo ka tirsan Xafiiska Warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa galabta sheegay in diyaaradaha dagaalka ee cadowga ay duqeeyeen Caasimadda Sanca, balse ma sheegin cidda soo weerartay iyo dalka ama dalalka laga leeyahay diyaaradahaasi.
Wararka ayaa sheegaya in jug is xigxigtay laga maqlay magaalada muhiimka ah ee Sanca, iyadoo aan markan la weerarin garoonkeeda diyaaradaha.
Israel ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay saddex jeer bartilmaameedsatay Caasimadda Sanca, oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee dalkaasi ugu weyn.
Mareykanka ayaa mar dambe sheegtay in ciidamadiisu ay duqeeyeen bartilmaameedyo ay Xoogaga Xuuthiyiinta ku leeyihiin Sanca iyo dhulka xeebta ee dalkaasi Yemen.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in duqayntan ay daba socoto mid kale, oo sida ay sheegeen ay Isniintii ka gaysteen dalkaasi.
“30-kii iyo 31-ka December, maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa beegsaday xarumaha taliska iyo kontoroolka Xuuthiyiinta, agabka wax soosaarka iyo goobaha hubka lagu kaydiyo, oo ay ku jiraan gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka.
Warka ayaa lagu sheegay in xarumahan ay Xuuthiyiinta u adeegsanayeen meelo laga weeraro maraakiibta ay leeyihiin Ciidanka Badda Mareykanka iyo kuwa ganacsiga ee mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
“Intaa waxaa dheer, Ciidanka Badda Mareykanka iyo Ciidanka Cirka ayaa burburiyay goob raadaar ah oo Xuuthiyiinta ay ku leeyihiin xeebta iyo toddobo gantaal oo nooca cruise-ka ah iyo diyaarado drones ah.” Ayaa lagu yiri warka CENTCOM.
Warka ayaa lagu xusay inaysan jirin wax dhaawac ah ama waxyeelo soo gaartay Ciidamada Mareykanka iyo qalabkoodaba, intii ay hawlgaladan socdeen.
Weerarkan ugu dambeeyay ayaa imanaya saacado yar uun ka dib, markii Xoogaga Xuuthiyiinta ay sheegeen inay garaaceen markabka diyaaradaha dagaalka xambaara ee USS Harry Truman.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay xalay gantaalo ku weerareen markabka dagaal ee Mareykanka uu leeyahay.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay laba gantaal ku weerareen Israel, tani oo qayb ka ah taageeradooda shacabka Falastiin.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerarka hore lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Magaalada Tel Aviv, iyadoo la adeegsanayo gantaalka nooca guuxiisa ka dheereeya ee lagu magacaabo Falastiin 2.
Muuqaal la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya garoonkaasi oo lagu kala cararayo iyo baqdin xoog leh oo ka jirta.
“Hawlgalka labaad ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun koronto oo ku taala koonfurta Qudus-ta (Jerusalem-ta) la haysto, iyadoo loo adeegsaday gantaalka uu noociisu yahay Zulfiqar. Labada gantaal ayaa si guul ah u garaacay bartilmaameedyadoodii.” Ayuu yiri General Yahya Saree.
Mareykanka ayaan wax faallo ah ka bixin weerarka la sheegay in lagu qaaday markabka USS Harry Truman, waana xilli ay Xuuthiyiinta sii wadaan weerarada ka dhanka ah maraakiibtiisa.
Mareykanka ayaa ku dhawaad muddo sanad ah duqaymo ku haya kaabeyaasha militari ee Xuuthiyiinta Yemen, si loo xakameeyo weerarada ay ku go’doominayaan Dekedaha Israel iyo gantaalada ay sida tooska ah ugu garaacayaan Israel.
Xuuthiyiinta oo ka arrimiya inta badan dalka Yemen ayaa si joogta ah gantaalo iyo drones ugu weeraraya Israel, iyagoona bartilmaameedsanaya maraakiibta xiriirka ka leh dekedaheeda.
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in yoolkoodu uu yahay in gacmaha la qabto Israel, si looga joojiyo dadka ay ku xasuuqeyso gudaha Gaza.