Home Dhacdooyin Erdogan oo Somaliya u soo diray markabka shidaal baarista sameynaya (SAWIRRO)

Erdogan oo Somaliya u soo diray markabka shidaal baarista sameynaya (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay galab ka qaybgalay munaasabad markabka Oruc Reis loogu soo ambabixinayay dalka Somaliya.

Markabkan ayaa lagu wadaa in uu sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah uu ka bilaabo qaybo ka mid xeebaha dalka, tani oo daba socoto heshiis ay horaantii sanadkan kala saxiixdeen labada dowladood.

Heshiiska iskaashiga tamarta ee bishii March ayaa saddex shati ama ogolaansho lagu siiyay Shirkadda Turkish Petroleum inay saddex goobood oo xeebaha dalka ah ka sameyso baaris shidaal.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Sabtidii sheegay in markabka baarista tamarta ee Turkiga uu hadda howlaha sahminta ka bilaabayo saddex goobood oo shati leh.

“Midkiiba wuxuu u taagan yahay 5,000 kiilo mitir oo isku wareeg ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Somaliya oo muddo dheer lala xiriirinayay colaado iyo xasillooni darro in hadda loo aqoonsanayo sida uu yiri horumar dhaqaale, barwaaqo iyo nabad.

Munaasabadda lagu soo ambabixiyay markabka Oruc Reis ayaa ka dhacday Madaxtooyada Dolmabahce ee Magaalada Istanbul, iyadoo ayna Madaxweyne Erdogan ku wehlinayeen Wasiirkiisa Tamarta, Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka & Macdanta Somaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Madaxweyne Erdogan ayaa salaamay shaqaalihii markabka oo u soo dhaqaaqay xeebaha Somaliya, halkaas oo howlahooda shaqo ay ka bilaabayaan daba-yaaqada bishan.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa fileyso in bisha April ee sanadka 2025 uu bilowdo shidaal qodista dalka, waxaana laga samayn doonnaa saddex ceel oo ku yaala deegaanada Galmudug.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka & Macdanta Somaliya ayaa dhawaan sheegay in Somaliya ay leedahay illaa 260 ceel oo badda ah.

Wasiirka ayaa xusay in sababta ay culeyska u saarayaan howlaha sahminta badda ay tahay duruufaha amni ee dalka ka jira, marka loo eego dhinaca berriga.

Shirkadda Geoseismic ayaa cilmi baaris ku sheegtay in Somaliya ay leedahay kayd shidaal iyo gaaska dabiiciga ah oo u dhigma 30 bilyan oo fuusto.

Somaliya ayaa rajeynaysa in markii ugu horreysay ay dadku ka faa’iideysan doonaan khayraadka aan la taaban ee dalka uu leeyahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc