Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarka culus ee maleeshiyada Al Shabaab ay saakay ku qaadeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Maleeshiyada ayaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku beegsatay agagaarka Xerada Ciidanka Kumaandooska Gorgor ay ku leeyihiin degmadaasi, ka hor inta aysan jihooyin kala duwan weerar toos ah kaga qaadin xeradaasi.
Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in ciidamadu ay toogteen nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, isla-markaana ay taasi meesha ka saartay khasaarihii dhici lahaa.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa qoraal ku sheegay in ciidamadu ay fashiliyeen, waxa uu ku sheegay damacii Khawaarijta.
Al Shabaab ayaa sheegatay in maleeshiyadeeda ay weerar cagmarin ah ku qaadeen xeradaasi, isla-markaana ay si buuxda ula wareegeen.
Hase yeeshee wararka laga helayo degmadaasi ayaa sheegay in ciidamadu ay si weyn isaga caabiyeen weerarka, ayna difaacdeen xeradaasi, welina ay iyagu gacanta ku hayaan amniga degmada.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Kumaandooska Gorgor iyo Ciidanka Guutada 14-ka October oo darafka kale ka degan degmada ay dib u caabiyeen maleeshiyadii wax soo weerartay, isla-markaana ay in doora ku daba joogeen firxadkooda.
Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in Shabaabku ay meydad uga carareen xaafadaha magaalada, welina ay dhex daadsan yihiin.
Inkastoo Saraakiisha Militariga aysan ka hadlin khasaaraha askarta, haddana wararka la helayo ayaa sheegaya in illaa shan askari ay ku dhimatay dagaalka, tiro kalena ay ku dhaawacantay.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa shacabka ugu baaqay in ay ciidamada ku garab siiyaan ka hortagidda weerarada argagixisada.
Dhanka kale Wariye Maxamed Tawane Ciilow (Maxamed Daacad) ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dagaalkii maanta ka dhacay Awdheegle.
Wariyaha ayaa ka tirsanaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida, sidoo kalena waxa uu ahaa askari ka tirsan Kumaandooska Gorgor.
Maxamed Daacad ayaa isagoo ku shaqeynaysa xirfaddiisa Wariyenimo, waxa uu go’aansaday in ciidamada uu ka mid noqdo, ka dib markii Shabaabku ay dhowr sano ka hor dileen aabihii Tawane Ciilow.
Waxa uu noqonaya Wariyihii ugu horreyay ee sanadkan ku baxa gacanta maleeshiyada Al Shabaab.