Xaaladda Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa degan, ka dib weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay saakay ku qaadeen degmadaasi.
Maleeshiyada ayaa waaberigii hore laba jiho ka weerartay Balcad, iyagoona qabsaday kontoroolka waqooyi ee ku yaala waddada aadda dhinaca Magaalada Jowhar.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in rasaas xoog leh ay is qabsatay magaalada, isla-markaana ay Shabaabka u suurtagashay in ay gudaha u soo galaan, lana wareegaan Saldhigga Booliska.
Shabaabka ayaa la arkayay, iyagoo ku dhex soconaya waddooyinka iyo xaafadaha magaalada.
Shabaabka ayay rasaas xoogan ku qabsatay xaafadaha qaarkood, ka hor inta aysan bilaabin in ay magaalada ka wada baxaan.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa ah kuwa Shabaabka kula dagaalamay xaafadaha, intii ay isku fidinayeen, isla-markaana aanu soo gaarin gurmadka Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Polizia Militare.
Barraha bulshada ayaa la soo dhigay muuqaal uu ka soo muuqday nin garbo duub u xiran, lana jirdilayo. Macawiisleyda ayaa sheegay in uu ka mid ahaa Shabaabkii magaalada soo weeraray.
Warbaahinta Dowladda ayaa ku warantay in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyadii wax soo weerartay, khasaarana ay u gaysteen.
Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay weerarka ku dileen in ka badan 20 askari.
Dowladda Federaalka ayaan ka hadlin khasaaraha ciidamada iyo dadka deegaanka ka soo gaaray dagaalkan, balse illaa afar qof oo saddex ka mid ah ay yihiin ciidamada ayay ilaha madaxbannaan xaqiijinayaan inay dagaalka ku dhinteen.
Sidoo kale dhaawacyada afar qof oo shacab ah ayaa la dhigay goobaha caafimaadka, kuwaas oo la sheegay inay rasaasta ugu tagtay guryahooda.
Maxamed Cabdi Cali oo degan Balcad ayaa sheegay in weerarku uu baqdin ku abuuray dadka deegaanka.
Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir Muudey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in Shabaabku aysan weli ka fogeyn Balcad, isla-markaana ay ku sugan yihiin meel 3 illaa 4km u jirta. Balcad ayaa 30km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho.
Shabaabka ayaa toddobaadkii u dambeeyay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan deegaanada Hirshabelle, si ay u curyaamiyaan hawlgalka ballaaran ee ka socdo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee qorshihiisu yahay in ciidamadu ay ku qabtaan dhulka ay Shabaabku ka maamulaan goboladaasi.