Kumanaan qof oo shacabka Falastiin ah ayay maanta u suurtagashay in ay dib ugu laabtaan guryahooda waqooyiga Marinka Gaza, ka dib wax ka badan 15 bilood oo dagaal ah.
Falastiiniyiinta ayaa lug ku tagaya waxa ka soo haray guryahoodii, oo si xun ugu burburay duqaymihii Ciidamada Israel ka gaysanayeen dhulka sida weyn loo go’doomiyay.
Dadkan ayaa ka cararay deegaanadii ay ku noolaayeen, ka dib barakacin khasab ah iyo si ula kac ah oo loo bartilmaameedsanayay, inkastoo ay jiraan dad fara-badan oo ku adkeystay inaysan ka tagin deegaanada Beit Lahiya, Jabalia iyo Beit Hanoun.
Dib ugu soo laabashadooda waqooyiga Gaza ayaa ka dambeysay, markii Militariga Israel ay ogolaadeen in ciidamadooda ay furaan Isgoyska Netzarim ee kala qaybiya koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Falastiiniyiinta ku soo laabatay qaybaha waqooyi ee Gaza ayaa la arkayay, iyagoo alaabahooda ku wata jawaano iyo baco, isla-markaana ka soo gudbaya Netzarim.
Falastiiniyiinta ayaa loo ogolaaday in ay lug kaga soo gulaan waddada xeebta ee Al-Rashid, halka qaar kalena loo ogolaaday in ay gaadiid kaga soo galaan waddada bartamaha ee Salah Al-Din.
Heshiiska xabad joojinta Gaza & maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel ayaa taageeraya in boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ay dib ugu laabtaan waqooyiga Gaza.
Dadka reer Gaza ayaa sheegaya in ay ka go’an tahay inay guryahooda dib u dhistaan, isla-markaana ay iska qaadaan qashinka iyo dhegxaanta faraha badan ee ka dhashay burburka dhismayaasha.
Falastiiniyiinta ayaa u muuqda kuwo ku fara-adeygaya inaanan dhulkooda la qaadan, sidii Israel ay horeyba uga sameysay meelo badan oo ka mid ah dhulka Falastiiniyiinta.