Home Dhacdooyin Falastiiniyiinta laga sii daayay xabsiyada Israel oo qaarkood la musaafurinayo

Falastiiniyiinta laga sii daayay xabsiyada Israel oo qaarkood la musaafurinayo

by Laacib

Israel iyo Xamaas ayaa maanta is dhaafsaday qaybtii labaad ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta ee labada dhinac.

Xoogaga Xamaas ayaa sii daayay afar hablood oo reer Israel ah, iyagoona ku bedeshay 200 Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israel.

Xoogaga Xamaas ayaa hablahaasi oo askar ahaa ku wareejiyay Shaqaalaha Laanqeyrta Cas, oo iyaguna gaadiid ku geeyay xuduudda waqooyi ee Gaza la leedahay Israel. Militariga Israel oo halkaasi kula wareegay maxaabiista ayaa u qaaday gudaha Israel.

Sidoo kale Israel ayaa xabsiyadeeda ka sii deysay 200 Falastiiniyiin ah, kuwaa oo qaarkood ku xukunaa xabsiyo dhaadheer iyo xabsi daa’in.

Shaqaalaha Laanqeyrta Cas ayaa gaadiidkooda xabsiyda Israel kaga soo qaaday maxaabiista Falastiiniyiinta. Heshiiska ayaa dhigaya in maxaabiista ay Israel khatarta u aragto laga musaafuriyo Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto.

Israel ayaa waxay xaqiijisay in ay Laanqeyrta Cas ku wareejisay 200 oo maxbuus, si waafaqsan shuruudihii ay Xamaas heshiiska ku gashay.

Falastiiniyiinta la sii daayay qaarkood ayaa lagu helay in ay dilal u gaysteen dad Israeliyiin ah.

Falastiiniyiintan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed, halka Israeliyiintana lagu soo dhaweeyay Magaalada Tel Aviv.

128 ka mid ah ayaa loo ogolaaday inay ku laabtaan guryahooda Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus. Inta kale ayaa loo musaafurin doonnaa Marinka Gaza iyo Masar.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in dadka la gaynayo Masar looga sii gudbin doono dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Qatar ama Algeria.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc