Home Wararka Maanta Falastiiniyiinta oo ka falceliyay mowqifka ay dalalka Yurub ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiin

Falastiiniyiinta oo ka falceliyay mowqifka ay dalalka Yurub ku aqoonsanayaan Dowladda Falastiin

by Laacib

Ururka Xamaas iyo Maamulka Falastiiniyiinta ee fadhigoodu yahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa soo dhaweeyay in saddex ka mid ah dalalka Yurub ay aqoonsadaan Dowladda Falastiin.

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa go’aanka Dowladaha Spain, Norway iyo Ireland ku tilmaamay mid hagar la’aaneed, oo ay ku garab istaaggeen shacabka Falastiiniyiinta.

Basem Naim oo ka tirsan Saraakiisha Xamaas ayaa dalalka kale ee Yurub ugu baaqay in ay qaataan go’aan la mid ah midka dowladahaasi.

“Go’aankan waa mid ka tarjumaya in la helo caddaaladda soo daahday ee la sugayay muddada dheer.” Ayuu yiri Basem Naim.

Xamaas waxay kaloo sheegtay in ku dhawaaqista go’aankan uu noqon doono mid bedel u ah mowqifka caalamiga ah ee qaddiyadda Falastiin.

Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa booriyay tallaabadan, wuxuuna dalalka kale ee reer Yurub ugu baaqay in ay ku daydaan

Madaxweynaha ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in go’aankan uu ilaalin doono xuquuqda ay dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin aaya-ka-tashigooda iyo in la taageero dadaalada lagu doonayo in la gaaro xalka laba dowladood.

Aqoonsiga rasmiga ah dalalka Spain, Ireland iyo Norway ee Dowladda Falastiin ayaa dhaqangeli doona 28-ka bishan.

Falastiiniyiinta ayaa hadda maqaam sharafeed ku leh Qaramada Midoobey, waxaana sanadkii 2012 ogolaaday Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Si Falastiin ay u noqoto xubin buuxda oo leh xuquuq codbixineed waa inay ansixiyaan Golaha Ammaanka iyo in 5-ta dal ee leh Veto aanu midkoodna diidin.

Marka laga soo taggo in inta badan dalalka caalamka ay aqoonsan yihiin Falastiin, haddana waxaa aad u yar tirada dalalka reer galbeedka ee aqoonsan Dowladda Falastiin, waxaana cad in mowqifkii hore uu wax iska bedelay.

Dowlado kale oo reer Yurub ayaa la filayaa in ay qaadaan dhabahaasi, isla-markaana ay aqoonsadaan Dowladnimada Falastiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc