Ciidamada Israel ee duulaanka ku haya Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa lagu eedeeyay in ay si khasab ah dadka rayidka ah uga barakacinayaan guryahooda xerada qaxootiga Jenin.
Boqolaal Falastiiniyiinta ayaa Khamiistan bilaabay in ay isaga baxaan guryahooda, xilli hawlgalka Jenin uu galay maalintiisii saddexaad.
Al Jazeera ayaa tobanaan ka mid ah dadka deegaanka ka soo xigatay in Ciidamada Israel ay ku khasbayaan Falastiiniyiinta ku nool xerada qaxootiga Jenin in ay banneeyaan guryahooda.
Duulaankan cusub ee Israel sheegtay inay ku beegsaneyso kooxaha hubeysan ayaa baqdin ku haya dadka deegaanka.
Barasaabka Jenin, Kamal Abu Al Rub ayaa sheegay in Ciidamada Israel oo isticmaalaya cod baahiyeyaal lagu soo xiray baabuurtooda dagaalka iyo diyaarado drones ah ay dadka ku amrayaan inay isaga guuraan guryahooda.
Ciidamada Israel ayaa si weyn u go’doomiyay magaalada, mana jirto cid ka bixi karta, waxaase jirta hal waddo ay kaga bixi karaan dadka lagu cadaadinayo inay ka barakacaan.
Wararka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Israel ee qaybtooda gudaha ugu jira xerada qaxootiga ay baarayaan guryaha, isla-markaana ay ka saarayaan dadka degan.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in amarkan barakacinta uu si toos ah u saameeyay shacabka degen Waddada Mahyoub iyo Jabal Abu Dhahir.
Militariga Israel ayaa mar dambe war uu soo saaray dadka ku faray inay banneeyaan xerada qaxootiga Jenin illaa deegaanka Wadi Burqin ee duleedka galbeed ee magaalada.
Falastiiniyiinta Jenin ayaa ka cabsi qaba in la boobo guryahooda, iyadoo ay Israel ku andacooneyso inay waddo hawlgal ay kaga takhaluseyso kooxaha wax iska caabinta.
Ciidamada Israel ayaa Talaadadii bilaabay hawlgalka uu maamulkoodu sheegay in lagu la dagaalamayo kooxaha argagixisada ee halkaasi ku sugan.
Hawlgalkan ayaa lagu dilay ugu yaraan 12 qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.