Home Wararka Maanta Faransiiska oo muwaadiniintiisa faray in ay si dhakhsi ah uga baxaan Iran

Faransiiska oo muwaadiniintiisa faray in ay si dhakhsi ah uga baxaan Iran

by Laacib

Dowladda Faransiiska ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalka Iran ku wargelisay in ay si degdeg ah uga baxaan dalkaasi, iyadoo tixraaceysa halista uu gobolku ugu jiro in dagaal uu ka qarxo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ugu sheegtay muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi in ay si dhakhsi ah uga baxaan.

Warsaxaafadeedka ayaa muwaadiniinta Faransiiska ee dalxiiska, damaashaadka iyo booqashada ku jooga dalkaasi lagu la taliyay in ay isaga taggaan, iyadoo la eegayo khatarta xiisadda taagan.

Iran ayaa si weyn uga carootay dilka ay sheegtay in Israel ay dalkeeda ugu gaysatay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh oo Arbacadii lagu dilay Caasimadda Tehran oo booqasho uu ku joogay.

Madaxda Iran ayaa wacad ku maray in Israel ay ka shalaayi doonto xadgudubka ay ku soo sameysay dalkooda iyo weliba dilka ay ninkaasi u gaysatay.

Inkastoo aysan Israel qiran dilka Ismail Haniyeh, haddana dadka ka faallooda arrimaha amniga ee Bariga Dhexe ayaa si dhow dilkiisa ula xiriirinaya Sirdoonka Israel.

Ma cadda qaabka ay Iran uga aargudan doonto Israel, waxaase jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya inay suurtagal tahay in aysan ka weerarin dalkeeda, taasi bedelkeedana ay ka weerarto dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Iran ayaa la xusuustaa inay bartamihii bishii April weerar gantaal iyo drones ah ku qaadday Israel, ka dib duqayn ay Israel 1-dii bishaasi ka fulisay Xarunta Qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc