Home Wararka Maanta Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo ku baaqay in loo istaago ciribtirka Al Shabaab

Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo ku baaqay in loo istaago ciribtirka Al Shabaab

by Laacib

Madaxweyneyaashii hore ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa si isku mida uga hadlay weerarka ay dableyda maleeshiyadda Al Shabaab ka tirsan ku gashay Hotel Qaahira ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka ayaa qoraalo ay siyaabooyin kala duwan u soo saareen ugu tacsiyeeyay qoysaska dadkii ku dhintay iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi.

Ex Madaxweyne Farmaajo ayaa weerarkan ku tilmaamay mid ka tarjumaya cadowtinimada ay argagixisadu u qabaan buu yiri ummadda Soomaaliyeed.

“Falkan arxan darrada ah waxa uu ka tarjumayaa bahalnimada iyo cadowtinimada ay argagixisadu u qabaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo caadeystay daadinta dhiigga xurmada leh ee shacabkeenna, xilligan oo weliba lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.” Ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa ku baaqay in meel lagaga soo jeesto Al Shabaab, taas oo Somaliya u horseedeysa nabad waarta, shacabkuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qaranimo buuxda.

“Waxaan ku baaqayaa in loo midoobo ciribtirka cadowgan arxanka daran, si Somaliya ay u hesho nabad waarta, dadkeenuna ay ugu noolaadaan sharaf iyo qaranimo buuxda.” Ayuu yiri Farmaajo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa sheegay in Shabaabku ay yihiin cadow baneystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, isla-markaana ay bartilmaameedsadaan dadka aan waxba galabsan.

“Argagixisadu waa cadow baneystay daadinta dhiigga shacabkeenna Muslimka ah, iyagoo beegsada birmageydada iyo dadka aan waxba galabsan. Falkani wuxuu tusaale cad u yahay in argagixisadu aysan xurmo u hayn dhiigga shacabka Muslimka ah, xilligan oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo shacabkaba ugu baaqay in hal dhinac laga noqdo ciribtirka kooxaha argagixisada iyo in laga wada feejignaado dhagartooda.

“Ugu dambayn, waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Federaalka ah, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed in aan xooggeenna isugu gayno ciribtirka kooxaha argagixisada ah iyo in aan ka feejignaanno dhagartooda.” Ayuu yiri Shariifka.

Shabaabka ayaa hadaf ka dhigta cid kasta oo u janjeerta dhinaca dowladnimada amaba ka hortimaada siyaasaddooda ku saabsan wax burburinta, taas oo ka dhigan in dadka Soomaaliyeed ay dil ugu wada xukuman yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc