Home Wararka Maanta Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka hadlay booqashada Raysal Wasaaraha ee Laascaanood

Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka hadlay booqashada Raysal Wasaaraha ee Laascaanood

by Laacib

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa caawa ka hadlay safarka la filayo in Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ugu ambabaxo Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

“Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Somaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre waxa uu safarkii nabadda iyo midnimada Somaliya ugu ambabixi doonnaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Maamulka SSC Khaatumo.” Ayuu yiri Afhayeenka, isaga oo aan sheegin goorta uu Raysal Wasaaruhu booqan doono magaaladaasi.

Afhayeenka ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in booqashadani ay qayb ka tahay dadaalada xukuumadda ee nabadda, midnimada iyo horumarinta dalka.

Waxa sidoo kale uu sheegay in safarka Raysal Wasaaruhu uu ka tarjumayo go’aanka adag ee Dowladda Federaalka ay u qaadatay sida uu yiri xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Booqashadani waxaa ay qayb ka tahay dadaalada Xukuumadda DanQaran ee nabadda, midnimada iyo horumarinta dalka. Waxa ay ka tarjumeysaa go’aanka adag ee Dowladda Federaalku ay u qaadatay xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed, ujeedada safarka ee Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre-na ay tahay, sidii uu qaab dhow ugu kuurgeli lahaa xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin bulshada ku dhaqan deegaanada Maamulka SSC Khaatumo, isaga oo si gaar ah diiradda u saari doona arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, si xal waara loogu helo duruufaha ay la tacaalayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaasi.” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Federaalka.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay muddada uu Raysal Wasaaruhu ku sugan yahay Laascaanood inuu la kulmi doono Madaxda SSC Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

“Raysal Wasaaruhu waxaa uu la kulmi doonnaa masuuliyiinta Maamulka SSC Khaatumo, inta uu ku sugan yahay deegaanadaasi iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo markaasi dhiirigelin doona in la xoojiyo iskaashiga & is fahamka bulshada dhexdeeda ah iyo nabadda.” Ayuu yiri Farxaan Maxamed Jimcaale, Afhayeenka Xukuumadda Federaalka.

Afhayeenka ayaa ku waramaya in Raysal Wasaaruhu uu dadka reer SSC Khaatumo kala hadli doono, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira iyo sidii horumar la taaban karo looga gaari lahaa nabadeynta iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed.

“Sidoo kale inta Raysal Wasaaruhu uu ku jiro safarkaasi, waxa uu xarigga ka jari doonnaa mashaariic horumarineed oo la dhameystiray, kuwaasi oo wax weyn ka tari doona baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada Laascaanood. Waxaa sidoo kale uu Raysal Wasaare Xamse uu dhagax dhigi doonnaa mashaariic cusub oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee lagu gaarsiinayo adeegyada dowliga ah dhammaan gobolada dalka.” Ayuu yiri Farxaan Maxamed Jimcaale.

Farxaan ayaa intaasi ku daray “Socdaalkan nabadda iyo midnimada Somaliya ee Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku tagayo Laascaanood, oo ah kii ugu horreyay ee ebid Raysal Wasaare Soomaaliyeed uu ku tago halkaasi, waxa uu xoojinaya farriinta midnimada, nabadda iyo horumarka Somaliya, waxa uuna caddeyn u yahay, sida Dowladda Somaliya ay uga go’an tahay in dalka oo dhan la gaarsiiyo nabad iyo horumar, si loo helo bulsho isku duuban oo hore u socota.”

Wafdi horudhac u ah safarka Raysal Wasaare Barre ayaa Arbacadii lagu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc