Militarga Somaliya ayaa dardargelinaya gulufka lagu soo afjarayo dagaal-yananada Al Shabaab ee dhawaan soo galay qaar ka mid ah deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe ee ujeedkoodu ahaa inay qalqalgeliyaan amniga gobolkaasi.
Shabaabka ayaa la aaminsan yahay in weerarada ay ku hayaan bariga gobolkaasi ay u arkaan, sida keliya ee ay ku hakin karaan hawlgalka ballaaran ee ku soo wajahan dhulka ay ka arrimiyaan ee deegaanada Hirshabelle.
Gobolka ayaa waxaa bartamihii bishii February ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, si la mid ah daba-yaaqadii bishii January oo hawlgalka uu ka bilowday Gobolka Hiiraan.
Qiyaasaha ayaa muujinaya Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka in ay gobolkaasi geeyeen dhowr iyo toban askari oo askari, welina ay ciidamo kale u wadaan gobolka.
Saraakiisha Hoggaanka & Howlgalinta ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Magaalada Muqdisho ku diyaarinaya ciidamo dheeraad ah, oo loo wado deegaanada ay Shabaabku ka abuureen qaska iyo fowdada, loona xoojin lahaa hawlgalka lagu la dagaalamayo ee lagu xoreynayo dhulka ay haystaan.
Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha beelaha dega gobolkaasi ayaa weli Muqdisho ku abaabulaya maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, oo ay tahay in ay qayb ka noqdaan qorshaha uu qasdigiisu yahay in si adag loo wajaho kooxaha argagixisada. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in xoogagaasi qaarkood ayba gaareen furimaha gobolka.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa qabaa’ilada weydiistay in ay wax ka difaacaan gobolka, iyadoona xukuumadda ay gadaal ka riixeyso kulamada beelaha ku diyaarinayaan xoogag difaaca dowladnimada dalka.
Ujeedka qulqulka ciidamada ee gobolka ayaa looga gol leeyahay in maalmo tirsan lagu xaqiijiyo amniga deegaanadii xorta ahaa, isla-markaan ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay u sii wadaan hawlgalkoodii ku wajahnaa deegaanada ay Al Shabaab ka maamusho labada gobol ee Hirshabelle.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo beelaha ayaa xoojinaya safka ciidamada, ka dib markii sida la sheegay uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud amar ku bixiyay in la soo afjaro maleeshiyada ku soo fidday gobolkaasi, si aanu u fashilmin hawlgalka dib-u-xoreynta. Gobolka ayaad arkaysaa in ay gaarayaan saraakiil iyo siyaasiyiin siyaasad ahaan taageersan Dowladda Federaalka.
Shaqada socoto waa in miisaanka dagaalka uu u dhaco dhinaca kale, iyada oo markaasi si mug leh loo wiiqayo Shabaabka kooxo kooxaha u socda ee amni darrada ka abuuray gobolkaasi.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Dhulka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale oo ku sugan furimaha hore ayaa maamulaya hawlgalka la doonayo in lagu burburiyo Shabaabka.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor, Danab iyo Ilaalo Qaran, oo ah militarigii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa la geeyay furimaha gobolka. Hawlgalkan ayaa waxaa markii horeba ku jiray qaybaha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Hirshabelle, Macawiisleyda, iyadoona ay dib kaga biireen Ciidanka Gaarka ee NISA iyo Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa ku waramaya in muddada uu hawlgalku socdo ay duqaymaha hawada noqon doonaan kuwo aan kala joogsi lahayn.
Shabaabka ayaa dhankooda isku dayaya in ay sii wadaan yoolkooda ay ku istaajinayaan hawlgalka, sababtu tahay iyagoo arka in lagu soo socdo galbeedka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muddo dheer ay gacanta ku hayeen, waana sababta ay dagaalka ugu soo rareen bariga gobolka.
Khubarada amniga ayaase sheegaya in Shabaabku aysan ka sii dagaalami karin bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, marka aad fiiriso cadaadiska militari ee ka jira, isla-markaana ay wadaan qorshe ay uga baxayaan goobaha qaar.
Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa ku waramaya in Shabaabka soo hujuumay deegaanadii nabdoonaa ay dambas noqon doonaan, haddii aysan garowsan inaysan ciidamada u babac-dhigi karin, isla-markaana aysan dib u gurasho samayn.
Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada Hirshabelle ayaa waxaa suurtagal ah inaysan istaagin, illaa iyo inta laga xoreynayo dhulka ka maqan gacanta qaranka iyo tan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Waxaa jirta hal mid oo ku tusineysa inaysan Shabaabku sii wadi karin dagaalkan, taas oo ah duqaymaha xagga cirka ee sii xoogeysanaya. Duqaymaha ayaa ciidamada u sahlaya inay dhul cusub qabtaan.
Si kastaba ha-ahaatee waxa uu militarigu filayo ayaa ah in xaaladda dagaalka ay maalmaha soo socda ay wax iska bedeli doonaan.