Home Wararka Maanta Gaari ciidan oo qarax lagu la beegsaday waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye

Gaari ciidan oo qarax lagu la beegsaday waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye

by Laacib

Gaadiid ay la socdeen ciidamada amniga ayaa maanta qarax lagu la eegtay waddada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamadan oo ka ambabaxay Muqdisho, kuna sii jeeday Afgooye ayaa qarax waddada dhinaceeda la dhigay lala beegsaday mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawaca oo askarta ka soo gaaray.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa isku dayaya in ay xaalad amni darro ka abuuraan waddadaasi, gaar ahaan inta u dhaxeyso Ceelasha Biyaha illaa Afgooye.

Maleeshiyaad kooxo kooxo u socda oo kuwa Al Shabaab ah ayaa toddobaadkii hore lagu arkay deegaanada qaar ee hoostaga Degmada Afgooye.

Shabaabka ayaa maanta hoobiyeyaal ku garaacay Degmada Afgooye, waxaana ku dhintay shan qof, halka 29 kalena ay ku dhaawacmeen.

Shabaabka oo culeys uu ka haysto hawlgalka Gobolka Shabellaha Dhexe oo duqaymo xagga cirka u badan ayaa Dowladda Federaalka furin dagaal kaga furaya Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaabka ayaa hadda culeys gaar ah ku haya Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow. Afgooye ayaa 30km dhanka koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc