Ugu yaraan saddex ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacantay, ka dib markii xalay gaarigooda qarax lagu la eegtay Magaalada Muqdisho.
Gaarigan oo noociisu uu Cabdi Bile ahaa ayaa lala beegsaday qarax lagu sii diyaariyay waddada dhinaceeda, xilli uu marayay waddada dheer ee laamiga ee Degmada Dayniile.
Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur gaariga ciidan ka soo gaaray qaraxa.
Qaraxyada ayaa in muddo ahba ku soo noqnoqday waddadan, iyadoo goobtii uu xalay qaraxu ka dhacay ay meel aan ka fogeyn ay fariisimo ku leeyihiin Ciidanka Polizia Militare.
Ciidamada amniga oo ku baxay goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow Xerada Bangalo ayaa waxaan jirin cid ay qaraxaasi u soo qabteen.
Askarta dhimatay ayaa dhawaan uun ku biirtay Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana dhaawacyada askartii kale la geeyay Isbitaalka Xoogga ee Degmada Hodan.
Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin qaraxan, oo qayb ka ah dhibaatada amni ee dalka ka jirta.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, marka laga soo tago in lala xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab.