Gabadhan yar oo aan la garanayn cidda dishay ayaa maanta meydkeeda laga helay Magaalada Garoowe, iyadoo laamaha amniguna ay baaritaano wadaan.
Gabadhan ayaa meydkeeda laga helay xaafadda Horseed, xilli ay dhaawacyo daran ka muuqanayeen.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in jirka gabadha ay ka muuqdaan toorey meelo kala duwan oo xubnaha jirkeeda ah lagaga dhuftay, dadkuna ay isla dhex marayaan in xitaa carabka laga jaray.
Ciidanka Booliska oo gaaray goobta meydkeeda laga helay ayaa bilaabay baaritaanada ku aaddan dhacdadaasi, iyada oo aysan jirin cid illaa iyo hadda la sheegay in dilkeeda ay u soo qabteen.
Ma cadda cidda ka dambeysay falkaasi, balse Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, G/sare Maxamed Cali Axmed (Marduuf) ayaa laga soo xigtay in ay baarayaan sababta loo dilay iyo weliba kuwii ka masuulka ahaa.
Talaadadii ayay ahayd, markii gabar ardayad ahayd uu nin askari ahaa ku dilay xaafadda Hodan ee magaaladaasi. Ciidamada amniga ayaana saacado ka dib dilkeeda gacanta ku soo dhigay askarigii dilay gabadhaasi oo lagu magacaabi jiray Ubax Yaasiin Cali Aar.