Home Dhacdooyin Gabdho wada dhashay iyo dad kale oo ku dhintay qarax uu gaari ku haleelay Sh/dhexe

Gabdho wada dhashay iyo dad kale oo ku dhintay qarax uu gaari ku haleelay Sh/dhexe

by Laacib

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa khasaaraha ka dhashay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo maanta uu qarax ku haleelay bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dadkan oo la socday gaari Caasi ahaa ayuu qaraxa ku haleelay deegaanka Geelgub oo hoostaga Degmada Cadale.

Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen qaraxaasi, in ka badan toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya in laba ka mid ah dadka ku dhintay qaraxaasi ay ahaayeen gabdho wada dhashay, laguna kala magacaabi jiray Anisa Axmed Muuse iyo Nadiifo Axmed Muuse.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka kale ee geeriyooday ay laba ka mid ah ahaayeen odayaal, halka kan kalena uu ilmo yar ahaa.

Gaarigan ayaa rakaabkii uu siday ka soo qaaday deegaanka Baqdaad ee gobolkaasi, waxaana uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale gaari kale oo dad rayid ah ay la socdeen ayay miino kula kacday aagga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolkaasi, waxaana inta la ogyahay ku geeriyooday nin dhallinyaro ahaa.

Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay in ay si ula kac ah u beegsadeen shacab aan waxba galabsan, ka dib markii sida uu sheegay ay qaraxyo geliyeen waddadii ay shacabku marayeen.

Al Shabaab ma sheegan masuuliyadda qaraxyadan, looga mana baran inay sheegato, kolka shacabka ay waxyeelo ka soo gaarto miiinooyinka ay ku aasaan hareeraha waddooyinka.

Qaraxyadan ayaa waxay imanayaan, xilli ciidamadu ay hawlgalo ka wadaan nawaaxiga Masaajid Cali Gaduud iyo Geelgub.

Shabaabka ayaa daba-yaaqadii bishii March la wareegay deegaanadaasi, iyadoo ciidamaduna ay maalmihii u dambeeyay wadeen hawlgalo ay dib ugu la wareegayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc