Home Wararka Caalamka Gantaal ay Xisbullah ku weerartay waqooyiga Israel oo dad ku dhinteen (SAWIRRO)

Gantaal ay Xisbullah ku weerartay waqooyiga Israel oo dad ku dhinteen (SAWIRRO)

by Laacib

Laba qof oo midi ay haweeney tahay ayaa la sheegay inay ku dhinteen gantaal ay Xoogaga Xisbullah maanta ku weerareen Magaalada Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in labadaasi qof oo lamaane ahaa ay la kulmeen weerarka, iyagoo waddada kula lugeynaya eygooda.

Wararka ayaa sheegaya in lamaanahan aysan helin waqti ay ku raadsadaan goobaha gabaadka ee gantaalada laga galo.

Adeegga Gurmadka Degdegga ee Magen David Adom ayaa sheegay in labadaasi qof ay dhaawac ahaan uga qaadeen goobta, balse ay markii dambe u geeriyoodeen dhaawicii ka soo gaaray weerarka.

“Waxaan qaadnay nin iyo haweeney oo qiyaastii 40 jiro ah, iyagoo miir beelay, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray firir. Waxaan u qaadnay goobaha caafimaadka, laakiin dhaawacooda oo aad halis u ahaa ayay u geeriyoodeen.” Ayuu Adeegga MDA ku sheegay qoraal.

Shaqaalaha Dab-demiska ayaa sheegay inay la tacaalayaan dab ka kacay dhismayaal dhowr ah oo magaalada ku yaala, ka dib weerarka gantaal ee magaalada ka dhacay.

Ururka Xisbullah oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa ku hanjabay in ay kordhin doonaan weerarada ay kaga jawaabayaan duqaymaha baahsan ee ay Israel ka waddo dalka Lubnaan.

Dhimashadan ayaa daba socota gantaalo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay Xoogaga Xisbullah ku garaacayeen magaaladaasi.

Dhanka kale shan qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay, markii Xisbullah ay Arbacadan tiro gantaalo ahi ku weerartay magaalada dekedda leh ee Haifa.

Waa weerarkii ugu dambeeyay saddex maalmood oo xiriir ah oo Xisbullah ay ku garaaceysay magaalada ugu weyn ee waqooyiga Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc