Home Dhacdooyin General Morgan oo booqday furinta hore ee Buuraleyda Calmiskaad (SAWIRRO)

General Morgan oo booqday furinta hore ee Buuraleyda Calmiskaad (SAWIRRO)

by Laacib

Saraakiil sarsare oo xilal ka soo qabtay Dowladdii Militariga ayaa waxay maanta booqdeen furimaha ay Ciidanka Puntland kaga sugan yihiin Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

General Maxamed Siciid Morgan, General Maxamed Maxamuud Jaamac (Indhayare), General Bashiir Cabdi Ameriko oo hadda ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya iyo saraakiil kale ayaa aagga Tog-jaceyl kula kulmay saraakiisha hoggaamineysa hawlgalka ciribtirka Daacish.

Janaraaladan ayaa saraakiisha ka dhageystay warbixino la xiriira hawlgalka la dagaalanka Daacish, kaas oo 4-tii bishan galay wejigiisii labaad.

Wararka ayaa sheegaya in janaraaladu ay saraakiishaasi la wadaageen khibradooda ciidanimo, isla-markaana ay ku biiriyeen talooyin ku saabsan dagaalka.

Janaraaladan ayaa waxay noqonayaan kuwoodii ugu waaweynaa ee booqda jiidda hore, muddadii ay Ciidanka Difaaca Puntland la dagaalamayeen Daacishta Somaliya.

Daacishta Somaliya ayaa lagu baraarugay inay tahay khatar kale oo dhab ah, ka gadaal markii hawlgalkan lagu dilay dagaal-yahano u badan ajaaniib.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 6-dii bishan sheegay in Puntland ay ku jirto dagaal ay keli ku tahay, iyadoo la dagaalameysa argagixiso caalami ah.

Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in illaa iyo hadda aysan wax taakulo ah ka helin dhanka Dowladda Federaalka.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa ka soconaya olole ballaaran oo taageero iyo garab istaag loogu muujinayo ciidamada dagaalka ku jira. Shacabka ayaa si is xilqaan ah maamulka ugu wareejinaya deeq ay ugu talagaleen hawlgalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa dhawaan shacabka ku ammaantay in ay si wanaagsan uga qayb qaateen wejigii koowaad ee hawlgalka, iyadoona ku boorisay in hawlgalka oo wejigiisii labaad socdana ay qayb lixaad leh ka qaataan.

Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa toddobaadkan ku celiyay inaysan dagaalka ka joojin doonin Daacish, illaa ninka ugu dambeeya laga soo qabto.

“Ciidanku hawlgalkooda ayay sii wadan doonaan, illaa iyo ninka ugu dambeeya ay soo qabtaan, sida uu amarku ahaa ayay waajibaadka u gudanayaan.” Ayuu yiri General Faadhigo.

Puntland waxay noqoneysaa maamulkii ugu horreyay ee iyadoo aanay la socon amaba aysan Dowladda Federaalka taageereen weerar ballaaran ku qaado mid ka mid ah ururada xagjirka ah ee dalka ka dagaalama.

Dagaalkan ayaa macno badan u leh Puntland, si ay ugu muujiso in haddii shacabku isku tashado laga adkaan karo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc