Home Wararka Maanta General Odawaa Yuusuf Raage oo dib loogu soo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

General Odawaa Yuusuf Raage oo dib loogu soo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

by Laacib

General Odawaa Yuusuf Raage oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dib loogu soo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Xooogga Dalka.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka oo xalay yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyay magacaabiddiisa, ka dib soo jeedin ka timid Wasaaradda Gaashaandhigga.

Qoraal la soo dhigay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in magacaabiddiisa ay la xiriirto dardargelinta difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilka dib uga la wareegaya General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, oo ah Taliyihii uu xilka ku wareejiyay bartamihii sanadkii hore.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa xilka loo magacaabay 19-kii bishii June ee sanadkii 2023, markaas oo xafiiska uu kala wareegay General Odawaa Yuusuf Raage.

Waa markii labaad oo General Odawaa loo soo magacaabo jegada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

General Odawaa ayaa waxaa markii hore xilka loo magacaabay bishii August ee sanadkii 2019, iyadoona laga qaaday bishii June ee sanadkii hore.

General Odawaa ayaa noqday Taliyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, tan iyo dib-u-yegleeliddii Dowladnimada Somaliya.

Xilligiisii ayay xoogeysteen Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda, kuwaa oo kaalin la xusi karo ka qaatay hawlgaladii maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaray inta badan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Dib ugu soo laabashada shaqada ee jananka da’da yar ayaa loo arkaa mid door muhiim ah ka qaadan karta hawlgalka lagu la dagaalamayo mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc