Sheegow Axmed Cali oo loo yaqaanay (General Sheegow), horeyna uga tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa goor dhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo muddooyinkan ku xirnaa Muqdisho, ka dib markii ay xukuntay Maxkamadda Militariga ayaa dhowr cisho ka hor la dhigay isbitaal ku yaala magaalada, markii sida la sheegay uu aad u xanuunsaday.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan uu ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer, halkaas oo maalmihii u dambeeyay xaaladdiisa lagu la tacaalayay.
Masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo saraakiisha laamaha amniga ayaan weli ka hadlin xanuunka uu u geeriyooday, marka laga soo tago eheladiisa oo sheegaya in maalmahaanba uu aad u xanuunsanaa.
Ciidamada amniga ayaa 19-kii bishii August ee sanadkii 2023 soo xiray Sheegow Axmed Cali iyo ciidan si gaar ah uga amar qaadanayay, ka dib iska horimaad saacado badan socday oo ciidamadiisa iyo kuwa amniga ku dhex maray xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Dharkiinley.
Iska horimaadkan ayaa waxaa ku dhintay saddex askari, oo isugu jiray laba ka mid ah ilaaladii sarkaalkaasi iyo askari ka tirsanaa Ciidanka Xasillinta Muqdisho.
Taliska Ciidanka Booliska ayaa xilligaasi sheegay in sagaal askari oo kale oo labada dhinac ah ay ku dhaawacmeen iska horimaadkaasi, iyadoona uu talisku xaqiijiyay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay amaba ku dhaawacmay isku dhaca labada ciidan.
Booliska ayaa xilligaasi Warbaahinta la wadaagay in ciidamadu ay soo xireen Sheegow Axmed Cali iyo 24 ka mid ah ciidankii ilaalada u ahaa, oo toddobo ka mid ah ay dhaawac qabeen.
Muqdisho, Jowhar, Beledweyne iyo goobo kale ayaa waxaa ka dhacay bannaanbaxyo si weyn loogu diidanaa xariggiisa, iyadoona taageereyaashiisa ay dalbadeen in ninkaasi uu caddaalad helo.
Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 2-dii bishii November ee sanadkii 2023 waxay Sheegow iyo ciidankiisii ay ku ridday xukuno isugu jira dil toogasho, mag iyo sanado xabsi ah.
Maxkamadda ayaa General Sheegow ku heshay in falcelintiisa uu ku baxay Sakariye Maxamed Cali oo ka tirsanaa ciidamada amniga, waxayna ku xukuntay inuu bixiyo magta marxuumka, mag-dhow siinta dhaawaca uu gaystay iyo 10 sano oo xabsi ciidan ah.
General Sheegow ayaa tan iyo intii la xukumay ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxayna geeridiisu imaneysaa, isagoo ahaa maxbuus u xiran Dowladda Federaalka.