Dunida Muslimka iyo caalamkaba ayaa waxaa maanta laga ciidayaa maalinta 1aad ee Ciidul Adxa (Carafo), oo ah Ciidda 2aad ee Islaamka uu leeyahay.
Salaadda Ciidda ayaa saaka laga tukaday magaalooyinka waaweyn iyo gebi ahaanba deegaanada Soomaalida.
Sidoo kale dalalka Carabta, kuwa Iskaashiga Islaamka iyo wadamada kale ee ay Muslimiinta ku nool yihiin ayaa Axaddan laga ciidayaa maalinta 1aad ee Ciidda Carafo.
Ciiddan ayaa geba-gabo u ah gudashada acmaasha Xajka iyo taagnida Xujeyda ee Banka Carafo, iyadoo uu Xajka ka mid yahay shanta tiir ee Islaamka, kuna waajiba qof kasta oo qaangaar ah, isla-markaana awooda.
Ciidaha Fidriga iyo Adxa ayaa xuskooda iyo weynayntooduba laga dareemaa caalamka, waxayna Muslimiinta isugu hambalyeeyaan farxadda maalmaha ciidahaasi.
Xuska iyo damaashaadka Ciidaha Islaamka ayaa sanadkan ku soo aaday, xilli shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza ay wajahayaan weeraro har iyo habeen ah, oo si aan kala sooc lahayn ay Ciidamada Israel ugu leynayaan dadka reer Gaza.
Tani waxay kala dhantaaleysaa munaasabadaha iyo damaashaadka Muslimiinta meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, bacdamaa ay qalbiyadooda damqayaan gumaadka ay Warbaahinta soo tebineyso ee lagu hayo walaalahooda reer Falastiin.
Masaajida ayaad arki kartaa in looga wada duceynayo shacabka Falastiiniyiinta ee dhibaatada lagu hayo, waana sababta ummadda Muslimiinta ay ula xanuunsanayaan, isla-markaana ay uga muragoonayaan walaalahooda muddada dheer ku hoos jiray mid ka mid ah gumeystihii ugu arxanka darnaa.