Home Dhacdooyin Gobolka Shabellaha Dhexe oo noqday furinta ugu weyn ee lagu dagaalamayo

Gobolka Shabellaha Dhexe oo noqday furinta ugu weyn ee lagu dagaalamayo

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Ciidanka Difaaca Shacabka iyo maleeshiyada Al Shabaab ay maanta ku dagaalamayeen duleedka Degmada Ceelbaraf.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ka soo dhaqaaqay dhinaca Degmada Mahadaay ay weerareen maleeshiyadaasi, si ay u soo xiraan waddada hawdka marto ee isku xirto Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud. Waddadan ayaa sidoo kale u furan dhinaca Gobolada Koonfureed.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku warantay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay weerareen goob ay Shabaabka isku uruursanayeen, isla-markaana ay khasaare badan u gaysteen.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in haatan uu daagal ka soconayo nawaaxiga Degmada Ceelbaraf. Ciidamada ayaa halkaasi kula dagaalamaya maleeshiyada Shabaabka oo Khamiistii bilaa dagaal kula wareegay degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Turkiga ay xagga cirka ah ka garaaceen Shabaab ku sugnaa afaafka hore ee Ceelbaraf.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa u muuqdo kuwo dib u qabsanaya degmada muhiimka ah ee Ceelbaraf.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay la socdaan kuwo kale oo loogu talagalay inay qabtaan deegaanka Caadley, iyagoo la hawlgalaya ciidamo la sheegay in ay ku diyaarsan yihiin duleedka deegaanka Caddaan-Laxey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay ciidamo cusub gaysay Degmada Aadan Yabaal, si dib loogu laabto deegaanka Ceel Cali Axmed oo Shabaabku ay Talaadadii la wareegeen.

Ciidamada ayaa shalay isaga baxay deegaankaasi, ka dib markii ay culeys soo saareen maleeshiyada Al Shabaab, oo Khamiistii weerar culus ku soo qaaday, inkastoo aysan xilligaasi u suurtagelin in ay la wareegaan. Ceel Cali Axmed waxay ka mid ahayd goobaha ay ciidamadu ka ilaaliyaan amniga degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu Magaalada Muqdisho ka soo dhaqaajiyay cutubyo ka tirsan Ciidamada Militariga iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugidda, si meesha looga saaro Shabaabka culeyska soo saaray deegaanka Cali Fooldheere.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Ilaalo Qaran ee Militariga Somaliya ayaa iyana la sheegaya in ay ku wajahan yihiin Degmada Ruunirgood.

Ciidamada ayaa waxaad arkaysaa in ay hawlgal ballaaran ka wadaan deegaanada Hirshabelle, iyagoona markaasi xaqiijinaya amniga deegaanadii xorta ahaa ee culeyska uu soo fuulay, iyada oo la xoojinayo dadaalada socda ee lagu xoreynayo dhulka maqan.

Shabaabka ayaa dhankooda sameynaya isku dayo ay ku doonayaan in ay ku kala dhantaalaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maalintii labaad ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe, si uu u riixo dardargelinta hawlgalka ka soconaya.

Taliyaha oo shalay galab ciidamada kula hadlayay deegaanka Alkowsar saacado ka dib, markii ciidamadu ay fashiliyeen weerar ay Shabaabku ku soo qaadeen deegaankaasi ayaa wuxuu Taliyuhu sheegay in guushu ay dhow dahay.

Taliyaha oo sheegay in argagixisadu ay jabtay ayaa xusay in Shabaabku ay haystaan laba doorasho, oo uu ku kala sheegay inay isa soo dhiibaan iyo inay dhintaan.

“Waan ku khasbanay inaan gacanta ugu adag ku qabano, si aan uga badbaadino qarankeenna iyo ummadeena.” Ayuu yiri Taliyaha Militariga Somaliya.

Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa noqonaya furinta weyn ee ay hadda ku dagaalamayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc