Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii ansixiyay hawlgalka cusub Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya, kaas oo bedelaya ATMIS.
Hawlgalka AUSSOM ayaa bilaabanaya 1-da bisha January ee sanadka 2025, bacdamaa uu waqtiga ATMIS ku egyahay 31-ka bishan.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meelmariyay qaraar qabyo ah oo lagu dhisayo hawlgalka cusub ee la magac-baxay AUSSOM (Hawlgalka Taageerada & Xasillinta Midowga Afrika ee Somaliya).
14 ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha ayaa ansixiyay qaraarka qabyada ah ee Ingiriiska uu hoggaaminayo, halka Mareykanka uu ka aamusay.
Qaraarka ayaa dalalka Midowga Afrika u ogolanaya inay geeyaan Somaliya 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah.
Tirada askartan ayaa ka yar tiradii ATMIS oo kor u dhaafeysay 20,000 oo askari, balse hawlgalkan cusub ayaa midkii ATMIS kaga duwan, iyadoo ciidamada cusub ay Dowladda Somaliya kala shaqayn doonaan gulufka militari ee lagu qabanayo dhulka ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, halka hawlgalka uu waqtigiisu dhammanayo uu intiisa badan ahaa nabad ilaalin.
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa mar sii horreysay sheegay in Ciidanka AUSSOM ay qayb ka noqon doonaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Kuxigeenka Safiirka Ingiriiska ee Qaramada Midoobey, James Kariuki ayaa sheegay in qaraarku uu si adag u xoojinayo taageerada uu goluhu siiyo Somaliya.
Hawlgalkan ayaa waxaa markii ugu horreysay ka mid noqonaya ciidamo ka socda dalka Masar.
Dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya ayaa la filayaa in ciidamadooda ay qayb ka sii ahaadaan hawlgalka cusub, waxaanse kala caddeyn masiirka Militariga Itoobiya, inkastoo Muqdisho iyo Addis Ababa ay 11-kii bishan xal ka gaareen xiisadidii labada dal ee ka dhalatay heshiiskii is afgaradka badda ee ay Itoobiya 1-dii bishii January la gaartay Somaliland.
Hawlgalka AUSSOM ayaa noqonaya kiisii 3aad ee ciidamo ka socda Midowga Afrika ay kaga hawlgalaan dalka, wax ka yar muddo 20 sano ah.
Hawlgalkii ugu horreyay Midowga Afrika ee dalka ayaa la sameeyay sanadkii 2007, markaas oo loogu magac-daray AMISOM, iyadoona waqtiga Hawlgalka AMISOM uu dhammaaday 31-kii bishii March ee sanadkii 2022, waxaana xilligaasi lagu soo bedelay Hawlgalka ATMIS ee hadda uu waqtigiisa uu geba-gabada ku dhow yahay.