Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in goor dhow ay kulan ka yeeshaan xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Xuuthiyiinta Yemen iyo Israel.
Kulanka degdegga ah ayaa waxaa codsatay Israel oo iyadu cabasho ka ah weerarada uga imanaya Ururka Xuuthiyiinta, si Golaha Ammaanka uu dib eegis ugu sameeyo, waxa ay ku sheegtay khatarta ay ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamka.
Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa la filayaa in golaha uu warbixin ka siiyo xaaladda gobolka, isagoo tixraacaya weeraradii ugu dambeeyay ee ay kala kulmeen Xoogaga Xuuthiyiinta.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Bariga Dhexe, Aasiya iyo Pacific-ga, Mohamed Khaled Khiari iyo wakiilada bulshada rayidka ah ayaa sidoo kale la filayaa inay warbixin siiyaan golaha.
Israel ayaa ka cabaneysa weerarada ay Xuuthiyiinta ku beegsanayaan maraakiibta ku wajahan dekedaheeda ee mareysa Badda Cas iyo gantaalada ay sida tooska ah ugu garaacayaan dhulkeeda.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa sheegay in cadaadiskooda militari uu la xiriiro, sidii ay Israel uga joojin lahaayeen xasuuqa ay ka waddo Marinka Gaza, isla-markaana ay u soo afjari lahayd go’doominta ay ku hayso.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa ballanqaaday inay joojin doonaan weeraradooda ka dhanka ah Israel, marka ay joojiso dhiigga shacabka ay daadineyso iyo is hortaagga ay ku hayso gargaarka bani’aadantinimo.
Xuuthiyiinta ayaan wax dheg jalaq ah u siinin hanjabaadaha joogtada ah iyo weerarada mararka qaarkood uga imanaya Israel, iyagoona sii wada weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan maamulkaasi.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan arrintan, waana xilli goluhu aanu aragti mideysan ka lahayn xiisadda Bariga Dhexe ee salka ku hayso colaadda Gaza.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa mar sii horreysay sheegay in xalka gobolka uu ku xiran yahay in la joojiyo dagaalka Gaza.
Dagaalka Gaza ayaa bannaanka keenay awood la’aanta golaha, ka dib markii shan iyo tobanka xubnood ee golahaasi ay mowqif mida ka qaadan kari waayeen dembiyada Israel ka gaysaneyso Gaza.
Inkastoo 14 ka mid ah ay taageereen xabad joojinta Gaza, haddana Mareykanka ayaa awooddiisa Veto isku hortaagay qaraarka xabad joojinta.
Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus ayaa walaac xoogan ka muujiyay jihada ay dunida ku sii socoto, isagoona hoggaamiyeyaasha adduunka ugu baaqay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan, sidii loo soo afjari lahaa colaadaha adduunka
“Weligay inta aan xusuusan karo, hadda ka hor ma arag in dunidu ay dhab ahaantii ku jirto xaalad aad khatar u ah.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus.
Ghebreyesus iyo xubno la socday oo isku diyaarinayay inay ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Sanca ayaa la kulmay weerarkii xagga cirka ee ay Israel gelinkii dambe ee Khamiistii ka gaysatay garoonkaasi. Mid ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.
Ghebreyesus ayaa Yemen u tegay, si uu Saraakiisha Xuuthiyiinta uga la hadlo sii deynta 16 ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey oo ku xiran dalkaasi iyo wax ka qabashada xaaladda bani’aadantinimo ee Yemen.
António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Israel iyo Xuuthiyiinta ugu baaqay inay joojiyaan ficilada militari, isla-markaana ay muujiyaan xakameynta ugu badan.
Xoghaye Guterres ayaa sheegay in kororka weerarada Xuuthiyiinta iyo Israel ay uga sii darayaan xiisadda Bariga Dhexe, isagoona adkeeyay baahida loo qabo inay is xakameeyaan.