Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay kulan ka yeeshay tallaabada ay Israel ku dhaqangelineyso sharciyada cusub ee ay ku mamnuuceyso shaqada Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).
Xildhibaanada Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa 28-kii bishii October ansixiyay laba sharci, oo asal ahaan mamnuuc ka dhigaya in Hay’adda UNRWA ay ka sii shaqeyso Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto.
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa warbixin ka dhageystay Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini, kaas oo ka digay cawaaqibka ba’an ee ka dhalan kara qorshaha ay Israel Khamiista ku dhaqangelineyso labadaasi sharci. Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa sheegay in labadan sharci ay halis gelinayaan nolosha mallaayiin Falastiiniyiin ah iyo inay horseedi doonaan khataro wiiqaya heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas.
“Si buuxda oo loo dhaqangeliyo sharciyada Knesset-ka waxay noqon doontaa masiibo.” Ayuu yiri Madaxa Hay’adda UNRWA oo intaa ku daray “Tani waxay kaga sii dari doontaa xaaladaha nololeed ee horeba masiibada u ahaa ee mallaayiin Falastiiniyiin ah.”
Waxa uu Golaha Ammaanka ugu baaqay inay si toos ah u soo fara-geliyaan go’aanka Israel, si loo taageero nabadda iyo xasilloonida dhulka Falastiin ee la haysto iyo Gobolka Bariga Dhexe.
“Marka kalsoonida lagu qabo Beesha Caalamka ay aad u hooseyso waxay wiiqi doontaa xabad joojinta. Waxay wax u dhimi doontaa soo kabashada Gaza iyo kala-guurka siyaasadeed.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini.
Philippe Lazzarini ayaa carabka ku adkeeyay in aan si fudud hadda lagu wareejin karin shaqada hay’addaasi, bacdamaa aysan jirin cid kale oo kaalinteeda buuxin karta amaba u diyaarsan iyo iyadoo aan weli la dhisin Dowladda Falastiin.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay baaxadda hay’adda iyo xiriirka ay la leedahay qaybaha bulshada ay yihiin wax aan la is barbardhigi karin, haddii la isku dayo in cid kale lagu wareejiyo shaqadii ay muddada dheer ka soo wadday dhulka Falastiiniyiinta.
“Shaqo joojinta UNRWA waxay wax u dhimi doontaa soo kabashada Gaza iyo rajo kasta oo nabadeed.” Ayuu Lazzarini ku xoojiyay hadalkiisa.
UNRWA waa hay’adda ugu weyn ee kaalmeysa shacabka Falastiin, waana hay’adda keliya ee u igman in ay hagaajiso xaaladaha dadkaasi.
Hay’addan ayaa lagu aasaasay go’aanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, si ay u bixiso adeegyada bani’aadantinimo iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, sida inay waxbarasho iyo daryeel caafimaad siiso shacabka Falastiin, illaa xal siyaasadeed laga gaarayo.
UNRWA waxay waxbarasho, daryeel caafimaad iyo gargaarba ay siisaa mallaayiin Falastiiniyiin ah, oo ku nool Gaza, Daanta Galbeed, Bariga Qudus, Jordan, Lubnaan iyo Suuriya.
Israel ayaa ku andacooneysa Shaqaalaha Hay’adda UNRWA ay ka qayb qaateen weerarkii 7-dii bishii October ee 2023 iyo in dagaal-yahanada Falastiiniyiinta ay ka mid yihiin shaqaalaheeda, iyadoo aan wax caddeymo ah soo bandhigin.
Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray eedeymaha ay Israel u soo jeedisay shaqaalahooda. Waxaa uu bidhaamiyay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, oo ay hormuud ka yihiin buu yiri masuuliyiinta Israel, isa-markaana aysan hay’addooda taageerin wax argagixiso ah.
“Dacaayadda noocan oo kale ah waxay wiiqeysaa dhexdhexaadnimada UNRWA iyo kalsoonida lagu qabi karo.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini.
Mr. Lazzarini ayaa ku waramaya in dhaqangelinta labada sharci ay ku soo beegmayaan, iyadoo la qorsheynayo buu yiri in la ballaariyo deegaameynta sharci darrada ah ee ay Israel ka sameynayso dhulka Falastiiniyiinta ee ay xoogga ku haysato.
Guddi ay Qaramada Midoobey horey ugu saartay eedeymaha ka dhanka ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA, isla-markaana ay horkaceysay Catherine Colonna ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in Israel ay soo jeedisay eedeymo aan sax ahayn.
Catherine Colonna oo horey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha DIbadda Faransiiska ayuu guddigeeda uu UNRWA ka fogeeyay inay tahay hay’ad argagixiso, ka gadaal markii Baarlamaanka Israel uu 29-kii bishii May ee sanadkii 2024 uu ansixiyay qaraar hay’adda loogu aqoonsanayo urur argagixiso. Guddiga ayaana ammaanay shaqada ay hay’addu u hayso shacabka Falastiin.
Sharciyadan cusub ayaa abuuraya caqabado maaliyadeed oo ka dhan ah adeegyadii ay hay’addu bixineysay, maadaama dalalka deeqbixiyeyaasha ay ku riixayaan inay hakiyaan dhaqaalihii ay ku taageerayeen.
Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka codsaday in dhaqaale degdeg ah loo helo hay’adda, isagoona ka digay in shaqadeeda naf badbaadinta ay si lama filaan ah u dhammaan karto, iyada oo aanay jirin ilo ku filan.
Lazzarini ayaa golaha ku booriyay in ay dib u riixaan sharciyada Knesset-ka iyo inay hubiyaan in la sii wado taageerada maaliyadeed ee UNRWA, iyadoo markaasi ay xubnaha golaha la imanayaan wadiiqo siyaasadeed oo dhab ah oo wax lagaga qabanayo dhibaatada Falastiiniyiinta.
“Xal siyaasadeed oo caddaalad ah oo waara ayaa u ogolaanaya UNRWA inay soo geba-gabeyso waajibaadkeeda, iyadoo la hubinayo in adeegyadeeda muhiimka ah lagu wareejiyo Dowlad Falastiin oo shaqeysa.” Ayuu yiri Lazzarini.
Dhanka kale Safiirka Algeria ee Qaramada Midoobey, Amar Bendjama oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in UNRWA aysan ahayn hay’ad oo keliya, balse ay sidoo kale ka mid noqotay nolosha Falastiiniyiinta, maadaama ay jiil illaa jiil ka shaqeynaysay dhulkooda.
“Laga soo bilaabo dhalashada illaa waxbarashada, UNRWA waxay ahayd qayb ka mid ah noloshooda.” Ayuu yiri Safiirka oo xusay in waxtarka iyo doorka muhiimka ah ee hay’adda la arkay, 15-kii bilood ee dagaalka Gaza.
Safiirka ayaa yiri “UNRWA waa laf dhabarta jawaabta bani’aadantinimo, doorkeeduna weli waa lama huraan, marka la eego xabad joojinta. Lama bedeli karo, waa lama huraan inay sii shaqeyso.”
Riyad Mansuur, Safiirka & Kormeeraha Joogtada ah ee Falastiin ayaa dhankiisa sheegay in Israel ay burburisay wax kasta oo Gaza ku yaal, marka laga reebo buu yiri xiriirka xormada leh ee ka dhaxeeya dadka iyo dhulkooda.
Safiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay soo celinta nolosha iyo rajada shacabka Falastiin, iyadoo taageero laga helayo Beesha Caalamka. Safiirka ayaa ka dhawaajiyay inaysan jirin wax lagu bedelan karo dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta iyo shaqada ku-meel-gaarka ah ee UNRWA.
Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa sheegay in Tel Aviv ay 48-ka saac ee soo socda ay joojin doonto dhammaan xiriirkii ay la lahayd Hay’adda UNRWA, isla-markaana ay saraakiisheeda ka mamnuuci doonto la macaamilka hay’addaasi, lana xiri doono xafiisyada ay ku leedahay meelaha ay maamulaan.
“Israel waxay joojin doontaa dhammaan wadashaqeynta, isgaarsiinta iyo xiriirka ay la leedahay UNRWA ama cid kasta oo meteleysa.” Ayuu yiri Danny Danon.
Hay’adda ayaa reer Falastiin siiso gargaar bani’aadantinimo, waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah, waxayna shaqadaasi soo wadday, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1949-kii.