Golaha Wasiirada Israel ayaa lagu wadaa in maanta ay cod u qaadaan heshiiska xabad joojinta Gaza, laguna sii deynayo maxaabiista.
Golaha Wasiirada ayaa u codeynaya, haddii heshiiska xabad joojinta ay meel marinayaan iyo haddii kaleba.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa in qodobada heshiiska uu horgeeyo golihiisa, isagoona weydiisan doona inay taageeraan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in codeynta ay dib u dhici karto illaa Sabtida.
Ma cadda in Jimcahan amaba Sabtida berrito ah si buuxda loo ansixin doono heshiiska. Ansixinta Golaha Wasiirada ayaa ku xiran dhaqangalkiisa.
Goor sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in inta badan xubnaha golahaasi ay taageersan yihiin heshiiska, oo horseedaya in la sii daayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza.
Heshiiska ayaa waxaa si weyn uga biyo diidan Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo.
Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich ayaa muddo dheer diidanaa in la joojiyo dagaalka ay sheegeen in lagu wiiqayo awoodda militari ee Xamaas.
Ben-Gvir ayaa Khamiistii ka digay in Xisbigiisa Otzma Yehudit uu ka bixi doono isbahaysiga dowladda, haddii xabad joojinta la bilaabo.
Smotrich ayaa isna Netanyahu ka dalbaday inuu ballanqaadayo in dib loo bilaabi doono dagaalka, ka dib wejiga koowaad ee xabad joojinta, isagoona tani shuruud uga dhigay in xisbigiisa uu kaga sii mid ahaan doono dowladda wadaagga ah.
Ben-Gvir iyo Smotrich ayaa axsaabta midiga fog ku metela xukuumadda la wada leeyahay, waxayna ka mid yihiin siyaasiyiinta aan badnayn ee ka horyimid heshiiska lagu dhawaaqay Arbacadii.
Dhanka kale Netanyahu ayuu cadaadis kale oo xoog leh uu ka haystaa Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Donald Trump oo ku adkeynaya inaanan la fashilin xabad joojinta lagu heshiiyay in maalinta Axadda ay ka bilaabato Marinka Gaza.
Netanyahu ayay ku adkaan doontaa in xukuumaddiisu ay ka laabato heshiiskan, marka aad eegto in Trump uu riixayo in la soo afjaro colaadda Gaza.
Trump ayuu qorshuhu yahay in 20-ka bishan uu si rasmi ah ula wareego xafiiska, waana Trump oo Madaxweyne ka ah Mareykanka, oo ah dalka ay Israel taageero ahaan ku tiirsan tahay.
Mareykanka ayaa sidoo kale ah saaxiibka ugu weyn ee Israel ku difaaca siyaasad iyo militari ahaan, waana dalka ay dhankiisa ka liici weyday, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.