Golaha Wasiirada Somaliya ayaa maanta ansixiyay Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP) ee hiigsiga 2025 illaa 2029, ka dib kulan gaar ah oo ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Somaliya ayaa sanadkii hore go’aansatay in ay u guurto Qorshaha Qaran ee NTP, ka dib markii ay sheegtay in ay ka guureyso Qorshaha 9aad ee Horumarinta Qaranka (NDP9), kaas oo dowladdan iyo tii ka horreysay ay siyaasad ahaan ku dhaqmayeen.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa 22-kii bishii May ee sanadkii hore ee 2024 ka sheegay Magaalada Muqdisho in Qorshaha Isbedelka Qaranka ee NTP uu tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Somaliya, kaas oo xoogga saaraya sida uu yiri waxqabad muuqda iyo is bedel dhab ah.
Raysal Wasaare Barre ayaa xilligaasi sheegay in is bedelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog, oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalka & dadka, isla-markaana diiradda saaraya maalgelinta ilaha wax soosaarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed.
“Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iideysano khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doonnaa qorsheyaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumeysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Wasiirka Qorsheynta, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa maalin taariikhi ah ku tilmaamay tallaabada uu goluhu ku meelmariyay qorshahan.
“Waa maalin taariikhi ah oo muujineysa, sida Dowladda Federaalka Somaliya ay uga go’an tahay horumarka dalka iyo kobaca.” Ayuu yiri Wasiirka oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Wasiirka ayaa yiri “Waxa aan idiinku wargelinaynaa in Golaha Wasiirada ay maanta ansixiyeen Qorshihii Isbedelka Qaranka, oo ah qorshihii bedelay Qorshaha Horumarka Qaranka ee 2020-2024. Qorshaha Isbedelka Qaranka wuxuu socon doonnaa sanadkan 2025 illaa 2029. Waa qorshe hagi doona shanta sano ee soo socota.”
Wasiir Beene Beene ayaa intaasi ku daray “Qorshahan waxa uu xudun u noqonaya dadaalada aan ugu jirno xoojinta hay’adaha dowladda, kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la qabsiga isbedelka cimilada. Ujeedadu waa in la dhiso mustaqbal ay dhammaan shacabka Soomaaliyeed dareemayaan horumarkiisa.”
Dowladda Federaalka ayaa horaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee National Development Plan-9 (NDP9) ku jaangoysay yoolasha horumarka waara ee Qaramada Midoobey.
Somaliya ayaa hadda u soo guurtay Qorshe Qarameedka NTP, iyadoo fahamsan in ay jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga ah, ka dib markii laga cafiyay daymihii lagu lahaa, isla-markaana ay ku biirtay Suuqa Bulshada Bariga Afrika ee EAC.
Qorshaha NTP ayaa horseedi kara hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh.