Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka

by Laacib

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururada & Xisbiyada Siyaasadda, ka dib kulankoodii Khamiislaha oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa geba-gabadii kulanka sheegay in kulankan oo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu shir guddoominayay lagu ansixiyay laba xeer oo mudnaan gaara u leh buu yiri dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Labada xeer waxay kala yihiin Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka ee Somaliya iyo Xeerka Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda uu dalka uu yeelan doono.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Labadan xeer ama sharci waxa ay hagi doonaan hannaanka doorashooyinka dalkeenna Somaliya uu yeelan doono.”

Mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu leeyahay Xeerka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxa uu yiri “Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee maanta goluhu ansixiyay waxa ahmiyad weyn uu u leeyahay dalka iyo dadka, sababtuna waxa ay tahay maadaama taladii dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed, si ay u doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa ummadda Soomaaliyeed. Marka Xeerka Doorashada waxa uu waddanku u jiheynayaa doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhici doonta. Waxa uu xuquuq siinayaa xeerka maanta goluhu ansixiyay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu u codeeyo cidda uu doonayo inay hoggaamiso, kaasi oo runtii ah qodob dastuuri ah.”

Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa intaasi ku daray “Haddaba xeerarkan muhiimka ah ee Doorashooyinka iyo Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda ee xukuumadda maanta ay ansixisay waxa ay dalkeenna ka gudbinayaan nidaamkii hore ee Doorashooyinkii Dadbanaa ee lagu soo caana maalayay muddo dheer, waxaana loo guurayaa hannaanka Doorashooyinka Dadweynaha Dimoqraadiga ah ee qof iyo cod oo muwaadiniinta Soomaaliyeed awoodda siinaya inay iyagu wax doortaan, taasi oo runtii ay Somaliya ugu dambeysay muddo hadda laga joogo 55 sano.”

Ma cadda, sida Dowladda Federaalka ay laba sano ka dib dalka uga qaban karto doorasho qof iyo cod ah, marka aad eegto dhibaatooyinka amni ee kan siyaasiga ah ee ka jira meelo badan oo dalka ka mid ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc