Home Dhacdooyin Golaha Wasiirada Somaliya oo guddi u saaray dhacdadii Raaskambooni

Golaha Wasiirada Somaliya oo guddi u saaray dhacdadii Raaskambooni

by Laacib

Golaha Wasiirada Somaliya oo maanta kulankoodii Khamiislaha ahaa ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa guddi u saaray inay baaritaan ku soo sameeyaan dagaalkii shalay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku dhex maray deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa xalay fiidkii la wareegay gacan ku haynta deegaankaasi, ka dib dagaal saacado badan socday oo ay kula galeen ciidamadii ay Dowladda Federaalka u daabushay deegaankaasi.

Golaha Wasiirada ayaa guddigan u wakiishay inay baaritaan ku soo sameeyaan, waxa lagu sheegay nooca xiriir ee u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa mar sii horreysay sheegtay in Ciidanka Jubbaland ee soo weeraray ciidamadii halkaasi deganaa ay soo dhex mareen dhulka ay Shabaabku maamulaan.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in weerarkaasi uu xoojiyay tuhunkii horey looga qabay sida uu sheegay in xiriir ay leeyihiin Axmed Madoobe iyo Shabaab.

“Haddaba Golaha Wasiirada marka uu dersay falkaasi waxa uu si adag u cambaareeyay weerarkaas ee eedeysane Axmed Madoobe ku soo qaaday Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa falkaasi mid aad iyo aad looga xumaado oo aan la fileynin.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala.

Alcadaala oo hadlayay ka dib Shirka Golaha Wasiirada oo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu shir guddoominayay ayaa sheegay in falka lagu weeraray ciidamada ay ka dhalan doonto isla xisaabtan iyo ciqaab.

“Marka Golaha Wasiirada waxay u arkayn falkaasi mid aad iyo aad u fool xun, si aad iyo aad ah ayayna u cambaareeyeen, waxaana xigi doona Insha’Allah oo ka dhalan doona cawaaqib iyo isla xisaabtan.” Ayuu yiri Alcadaala.

Alcadaala ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay “Waxaa kaloo Golaha Wasiirada soo gaartay warbixin ku saabsan in kooxaha Khawaarijta ah ay kala shaqeeyeen oo gacan ay ka siiyeen eedeysane Axmed Madoobe weerarkaasi. Si gaar ah in ay u suurtageliyeen in gaadiid badan oo dagaal oo ka yimid Magaalada Kismaayo uu goobtaas gaaro. Goobtaas sida la ogyahay 270km wax ka badan ayay u jirtaa Magaalada Kismaayo, dhul badan oo Khawaarijtu ay joogto ayay soo dhex mareen ciidamadii goobtaasi weeraray. Arrintaas oo ah runtii arrin aad iyo aad khatarteeda u leh, arrin xoojineysa shakigii horey looga qabay in eedeysanahaas iyo Khawaarijta ay xiriiro gaar ah ka dhaxeeyaan.”

Alcadaala ayaa intaasi ku daray “Sidaasi daraadeed Golaha Wasiirada waxa ay isla garteen in loo magacaabo guddi gaar ah oo heer qaran ah oo baaris rasmi ah ku soo sameeya arrintaas, warbixin dhameystiran oo faah faahsana ka keena nooca xiriir iyo sida ay ku suurtagashay arrintaasi inay dhacdo.”

Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar, Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya ma sheegin cidda hoggaamineysa baaritaankaasi iyo goorta uu baaritaanku bilaaban doono.

Marka laga soo tago inaanan si sax ah loo garaneyn cidda weerarka qaadday, haddana marka aad fiiriso dhibta weyn ee dhacday waxaan laga gudbi karin in baaritaan la helo, si cidi ay masuuliyadda u yeelato.

In ka badan kun askari oo Dowladda Federaalka ay ka dejisay Garoonka Diyaaradaha Raaskambooni ayaa noqday wax la qabto, wax u galo Ciidamada Kenya ee xuduudda degan iyo wax kale oo aan nolol iyo geeri midna lagu hayn.

Inkastoo eedeynta ay xoogeeda u dhaceyso dhinaca Jubbaland, maadaama ay ciidamadeedu dagaal ku qabsadeen deegaankaasi, haddana Jubbaland ayaa marar badan ka digtay joogitaanka ciidamada ee gobolka, oo ay u arkeysay mid khatar ku ah jiritaankeeda.

Dowladda Federaalka oo si weyn uga hortimid doorashadii dadbaneyd ee ka dhacday Kismaayo, dibna loogu soo doortay Axmed Madoobe ayaa 25-kii bishii hore ee November bilowday inay ciidamadeeda gayso deegaanka Raaskambooni, iyadoona labadii toddobaad ee xigay ay sii wadday ciidamada ay halkaasi ka dejineyso.

Tallaabadan ayay dad badan u fasirteen mid ay Dowladda Federaalka culeys ku saareyso Jubbaland, si Axmed Madoobe uu ugu soo laabto heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu gaaray in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii Axmed Madoobe ku eedeeyay in uu diidan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa, isla-markaana aysan suurtagal ahayn in isaga awgiis looga laabto hannaanka doorasho ee lagu heshiiyay.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu cid kasta la hadlo, balse aanay ka laaban doonin in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

Ma cadda waxa uu ku dambayn doono is mariwaaga adag ee u dhaxeeya labada dhinac.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc