Hay’adda Bisha Cas ee Iran ayaa xaqiijisay in kooxaha gurmadka ee la socda diyaaradaha ay arkayn goobta ay ku dhacday diyaaraddii Helicopter-ka ahayd ee uu la socday Madaxweynaha Iran.
Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in kooxaha samatabixinta ee dhulka ku sugan ay daqiiqadaha soo socda gaari doonaan goobta ay ku burburtay diyaaradda.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in la arkay diyaaradda oo burburtay, kana gubaneysa qaybaha hore.
Saraakiisha ku howlan gurmadka ayaa laga soo xigtay illaa iyo hadda inaysan caddeyn wax calaamado ah oo muujinaya in cidi ka badbaaday shilka.
Diyaaraddan ayaa ka mid ahayd illaa saddex Helicopter oo ay la socdeen wafdiga Madaxweyne Ebrahim Raisi, xilli ay ka soo laabanayeen biyo xireen laga hirgeliyay gobolka bari ee Azerbaijan ee ku yaala xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Azerbaijan.
Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev ayaa sheegay inuu aad uga naxay shilka ay gashay diyaaraddii uu saarnaa dhiggiisa Iran.
Madaxweyne Raisi iyo xubnihii kale ee la socday ayaan weli la hayn raq iyo ruuxba, mana cadda masiirka Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa waxaa diyaaradda burburtay la saarnaa xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hossein Amir-Abdollahian.
Diyaaaraddan ayaa ku dhacday inta u dhaxeyso dhul buuraley iyo kaymo u dhow Magaalada Julfa, taas oo ku taala xuduudda, iyadoo cimiladuna ay ahayd mid aad u xun.
Howlaha samabixinta ayaa waxaa caqabad ku noqday ceeryaamada qarisay goobta iyo roobabka weli ka da’aya halkaasi.
Inkastoo xaaladdu ay tahay mid aad u cakarin ayaa waxaa haddana jira rajo laga qabo in la helo Madaxweynaha oo nool.
Indhaha caalamka ayaa ku sii jeeda dadaalada socda ee lagu doonayo in lagu gaaro goobta ay diyaaradda ku burburtay iyo warka xigga ee laga soo sheegi doono masiirka Madaxweynaha.