Home Dhacdooyin Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo yeeshay Gudoomiye iyo G/kuxigeen (SAWIRRO)

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo yeeshay Gudoomiye iyo G/kuxigeen (SAWIRRO)

by Laacib

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Xuduudaha oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.

Xubnaha Guddiga ayaa Cabdikariin Axmed Xasan u doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, halka Saadiq Abshir Garaad ay u doorteen Gudoomiye Kuxigeen.

Golaha Wasiirada Somaliya oo habeenkii Talaadada ansixiyay guddigan ayaa waxaa Arbacadii meelmariyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Guddigan oo ka kooban 18 xubnood, saddex ka mid ah waxaa weeye haween, waxaana la aaminsan yahay in intooda badan uu soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Villa Somalia ayaa riixeysa in markii ugu horreysay, tan iyo dib u yegleeliddii Dowladnimada Somaliya uu guddigu dalka ka qabto doorasho qof iyo cod ah.

Hannaankan doorasho ayaa waxaa horey u qaadacay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), waxaana bishii October mucaaraday Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo maamulkiisu uu bishii November uu Magaalada Kismaayo ka qabtay doorasho dadban, oo lagu soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland, waxaana sidoo kale markii saddexaad dib loogu soo doortay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxaa kaloo xusid mudan in danleyda siyaasadda dalka qaarkood ay ka horyimaadeen qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso hirgelinta doorashadan.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ayaa kala ah:-

1) Cabdikariin Axmed Xasan
2) Saadiq Abshir Garaad
3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan

4) Yuusuf Cabdiqaadir Maxamed Baafo
5) Cumar Abuukar Cumar
6) Farxiya Maxamed Yusuf

7) Dr. Cumar Jaamac Maxamed
8) Faarax Cabdi Xasan
9) Sahra Diiriye Muuse

10) Cabdullaahi Salaad Yarow
11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullaahi
12) Cabdi Caddow Maxamed

13) Cabdishakuur Abiib Haayir
14) Khaalid Ibraahim Ismaaciil
15) Amina Sheekh Cismaan Maxamed

16) Naasir Maxamed Shire
17) Cabdiraxiin Cabdullaahi Shaafici
18) Maxamed Cumar Ismaaciil.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc