Xubnaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish ayaa maanta shan isbitaal oo ku yaala Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada askarta ee halkaasi xaaladdooda lagu la tacaalayo.
Askartan ayaa isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley, oo ku soo dhaawacmay furimaha hore ee lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.
Guddiga ayaa waxaa horkacayay Gudoomiyaha Guddiga ahna Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Xukuumadda Federaalka, Cabdisalaan Cabdi Cali.
Xubnahan oo mid mid u dul istaagay dhaawacyada ayaa askarta ka wareystay xaaladdooda caafimaadeed.
Raysal Wasaare Kuxigeenka ayaa askarta u sheegay in dowladdoodu ay la garab taagan tahay daryeel walba oo ay u baahan yihiin, lana socon doonto xaaladaha ay ku sugan yihiin.
Guddiga oo sidoo kale warbixinno kala duwan ka dhageystay howlwadeennada gacanta ku haya dhaawacyada ayaa kula dardaarmay in ay si hufan ugu adeegaan ciidamada ku dhaawacmay dagaalka dalka looga saarayo kooxaha argagixisada.
Geba-gabadii kormeerkooda, Gudoomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada oo shir jaraa’id ku qabtay Isbitaalka Martini ayaa sheegay in guddigan uu yahay mid qaran oo ka hawlgalaya meel walba oo dalka ka mid ah oo lagu la dagaalamayo kooxaha hubeysan.
Gudoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, meelna kaga soo jeestaan la dagaalanka cadowga, isla-markaana aan la siyaasadeyn dagaalka lagu la jiro, qof kastana wixii dhaqaale ah uu awoodo uu ku taageero ciidamada, haddii ay noqoto qurba joogta iyo kuwa dalka ku suganba.
Guddigan oo toddobo xubnood ka kooban ayaa waxaa Khamiistii magacaabay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.