Kooxda Degmada Heliwaa ku meteleysa tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa galabta guul weyn ka gaartay Kooxda Degmada Xamar Weyne, ka dib markii ay ku garaacday 5-0.
3 ka mid ah goolashan ayaa waxaa Heliwaa u dhaliyay xidigeeda Axmed Yaasiin (Mbappe), kaas oo noqday laacibkii ugu horreyay ee sanadkan dhaliya saddexley, wuxuuna sidoo kale noqday ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee kulankii galabta.
Axmed Yaasiin oo ka hadlayay bandhigga cajiibka ah ee uu soo bandhigay ayaa yiri ”In aan dhaliyo saddex gool waa dadaal aan wadajir ku gaarnay.”
Degmada Heliwaa ayaa noqonayso degmadii koowaad ee goolashii ugu badnaa ka dhaliso tartanka degmooyinka, tan iyo markii uu tartanku ka bilowday Garoonka Kubadda Cagta ee Injineer Yariisow (Ex Stadium Conis ama Conis Stadium).
Tani waxay ahayd farriin ay Heliwaa u direysay degmooyinka kale ee ku wehlinaya lugta labaad ee tartanka groud-yada ee ka socda Caasimadda Muqdisho. Heliwaa ayaa afar dhibic ku hoggaamineysa Group A.
Gudoomiyaha Degmada Heliwaa, Mire Salaad Dhuxulow ayaa Axmed Yaasiin guddoonsiiyay mobile iPhone 15 pro max ah, iyadoona uu u mahadceliyay dhammaan ciyaartoyda kale.
“Dhammaan ciyaartoydeennu way ku mahadsan yihiin dadaalkooda. Waxaa naga go’an dhammaanteen inaan degmadan guulo badan ku hoggaamino.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Heliwaa.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ammaanay taageereyaasha kooxda “Taageereyaasha Degmada Heliwaa waxaan ku ammaanayaa adaabta iyo xushmadda ay muujiyeen kulamadii aan soo dheelnay iyo sida ay u soo xaadireen.”
Gudoomiye Mire ayaa kooxda iyo taageereyaashaba u rajeeyay inay guulo muhiim ah ka gaaraan kulamada xigga ee tartanka degmooyinka.
Mire ayaa noqonaya guddoomiyihii ugu horreyay ee degmo ee bixiya abaalmarintii ugu qaalisaneyd, muddada uu tartanku ka soconayo magaalada, waana mid uu dhiirigelin ugu sameynayo ciyaartoyda kooxda.