Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalka culus ee ka dhacay aagga Jicibow

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalka culus ee ka dhacay aagga Jicibow

by Laacib

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa ka hadlay dagaalka culus ee ciidamadu ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen bariga gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa Jimcihii laba jiho ka weeraray maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan deegaanka Jicibow ee saaran qarka ama jiinka Webiga Shabelle.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay in ka badan 30 ka mid ah maleeshiyadaasi, isla-markaana ay ciidamadu gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah horjoogeyaashii hoggaaminayay maleeshiyadaasi. Waxa kaloo uu sheegay in ciidamadu ay qabteen maleeshiyaad kale oo sida uu sheegay la soo khalday.

Gudoomiyaha ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ciidamadu ay dagaalka kula wareegeen dhammaanba aagaggii ay maleeshiyadu ku sugneyd ee agagaarka deegaanka Jicibow.

Gudoomiyaha ayaa Alle uga mahadceliyay guusha uu sheegay inay ka gaareen dagaalka, isagoo dhinaca kalena u mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay mar kasta Shabaabka ku soo duulay gobolka ay kaga adkaayeen furimaha iyo fagaareyaasha dagaalka, sida uu yiri.

Gudoomiye Wehliye ayaa dadka reer Hiiraan ugu bishaareeyay in dagaalku uu sii socon doono, illaa iyo inta ay cagta ka marinayaan Shabaabka.

“Waxaan ugu bishaareynaynaa shacabka reer Hiiraan in dagaalka uu sii soconayo, inta laga dabargoynayo Khawaarijta. Ma jirto xuduud naga hor istaageysa meel walba oo ay joogaan Khawaarijta.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa sheegaya inaanay Shabaabku dib dambe ugu soo laaban doonin dhulka gobolka ee laga saaray, dadka ku noolna ay heli doonaan adeegyada aasaasiga ah.

Ciidamada iyo Shabaab ayuu shalay gabalka ugu dhacay dhulka hawdka ee u dhaxeeya deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow, iyadoona ay ciidamadu culeys ku hayaan maleeshiyada ku sugan Jicibow.

Shabaabka ayaa la fahamsan yahay in ay ku fara adeygayaan deegaanka Jicibow ee bariga webiga jiinkiisa, waana deegaanka ugu weyn ee dhulka ay haatan ka joogaan bariga gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc