Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la kulmay Ciidanka Isku Dhafka Beledweyne

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la kulmay Ciidanka Isku Dhafka Beledweyne

by Laacib

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii la kulmay Ciidanka Xasillinta Beledweyne, oo ah ciidamo isku dhaf ah oo loogu talagalay inay xaqiijiyaan amniga magaalada.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ciidamadaasi ugu tagey dhiirigelin, ka dib dhacdadii indhaha soo jiidatay ee dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan ay Talaadadii ka gaysatay Hotel Qaahira ee Magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha oo ay wehlinayeen Kuxigeenkiisa Siyaasadda & Maaliyadda, Xasan Ibraahim Cabdulle iyo Gudoomiyaha Degmada, Cumar Cismaan Calasow ayaa la kulmay ciidamadan oo loo sameeyay la dagaalanka Al Shabaab iyo kooxaha burcadda ee dhaca ka gaysta magaaladaasi. Ciidamadan ayaana xaafadaha magaalada ka sameeya hawlgalo ka dhan ah cid kasta oo loo arko inay qalqalgelinayso amniga magaalada.

Masuuliyiintan ayaa warbixin la xiriirta amniga ka dhageystay Taliska Ciidanka Xasillinta, iyagoona bogaadiyay shaqada ay dadkooda u hayaan.

Muuse Salaad Wehliye, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa ciidamada kula dardaarmay in shaqadoodu ay noqoto mid isugu jirta ka hortag iyo ka dabatag, iyadoo gacan adag lagu qabanayo amniga magaalada.

War ka soo baxay Xafiiska Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in Gudoomiye Wehliye uu ciidamadu siiyay amar ku saabsan inay cagta cagta u saaraan kooxaha argagixisada, si loo fashiliyo baa warka lagu yiri dhagar walba oo ka imaan karta cadowga.

Kulankan ayaa imanaya, iyadoo laamaha amniga ay baarayaan weerarkii Hotel Qaahira oo Al Shabaab ay sheegatay. Weerarkan ayaa dhacay, xilli uu soo hagaagayay amniga magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc