Home Wararka Maanta Gudoomiye Cabdullaahi Shiikh Axmed oo lagu dilay Muqdisho

Gudoomiye Cabdullaahi Shiikh Axmed oo lagu dilay Muqdisho

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Gudoomiye Waaxeed lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ahaa Gudoomiyihii Waaxda Xalane ee Degmada Wadajir.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in uu ku baxay ciidan isku rasaaseynayay waaxdiisa, balse uu ka soo gaaray dhaawac uu markii dambe u geeriyooday.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawiciisa lagu la cararay Isbitaalka Madiina, si xaaladdiisa wax looga qabto, laakiin dhaawiciisa oo darnaa awgiis uu ugu geeriyooday isbitaalkaasi.

Laamaha amniga ayaa inoo xaqiijiyay in dilkiisa ay gaysteen askar ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka, kuwaas oo ay u suurtagashay in ay goobta ka baxsadaan.

War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi ayaa looga tacsiyeeyay geerida marxuumka, iyadoona uu maamulku sheegay in gacan ka xaq daran ay dishay.

“Gacan ka xaq daran ayaa dishay, balse waxqabadkiisii iyo dedaalkiisii lama illaawi doono.” Ayaa lagu yiri warkan oo saqdii dhexe ee xalay uu maamulka degmadaasi soo saaray.

Maamulka ayaa leh “Maamulka Degmada Wadajir waxa uu ballanqaadayaa in aan la aqbali doonin in falkaas foosha xun uu si sahlan ku dhaafo, waxaana la daba joogi doonnaa arxanlaaweyaashii ka dambeeyay dilka, si sharciga loo horkeeno, loogana guto caddaaladda marxuumka.”

Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ahaa nin dhallinyaro ah oo si weyn looga yaqiinay Degmooyinka Mataanaha ee Madiina oo la isku yiraahdo Wadajir iyo Dharkiinley.

Dadka deegaanka ayaa ka naxay dilkiisa, iyadoona ay hadal hayaan geerida naxdinta leh ee ku timid ninkaasi, oo caan ku ahaa waxqabadkiisa arrimaha bulshada.

Ciidamada Dowladda Federaalka, qaybahooda kala duwan ayaad arkaysaa in ay si joogta ahi ugu lug leeyihiin dilka shacabka, sabab kastaba haku timaadee.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc