Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta iyo kuwa Nabad Sugidda Jubbaland ayaa maalintii labaad hawlgalo ka wada Gobolka Jubbada Hoose, iyagoona ku sii siqaya Degmada Jamaame ee gobolkaasi.
Hawlgalka oo mid laba weji leh ayay ciidamadu ka wadaan waddada laamiga iyo gediga kale ee Webiga Jubba, iyada oo hadafku yahay in maleeshiyada Al Shabaab laga sifeeyo waddada iyo dhulka dhirta badan, oo maleeshiyadu ay ku leedahay goobo ay ka difaacayaan Degmada Jamaame.
Ciidamada ku socda waddada laamiga ayay goor sii horreysay u suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Baar Sanguuni, ka dib dagaal culus oo halkaasi ay kula galeen Shabaabka, halka ciidamada kale ee ka gudbay webiga ay afka aadiyeen Jamaame.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay iska caabin xoogan kala kulmayaan maleeshiyada Shabaabka, isla-markaana ay u muuqdaan kuwo horumar ka sameynaya dagaalka.
Ciidamada ayaa isku dayaya in ay ka faa’iideysteen dadkii ku dhaqnaa dhulka ay hawlgalada ka socdaan, oo tan iyo bishii November barakac uga maqan guryahoda, markaas oo ay ku barakaceen fatahaadihii ka dhashay duufaanta El-nino ee ku dhufatay qaybo ka mid ah gobolada dalka.
Taliyaha Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa sheegay in ciidamadu ay dib ugu laabanayaan deegaanadii ay daadadku ka soo saareen, maadaama biyuhu ay dib u gurteen.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in intii uu hawlgalku socday ay ciidamadu dileen xubno badan oo ka tirsanaa Shabaabka, sidoo kalena ay nolosha ku soo qabteen 10 nin.
“Guulo fiican baa la gaaray, waxaana ku rajo weynahay inta yar ee hartay ee meelahan ordeysa inaan soo afjarno, Insha’Allah.” Ayuu yiri Taliyuhu.
Maxaabiista lagu qabtay dagaalka ayaa la sheegaya in la geeyay xarumaha ay hay’adaha ammaanka ku leeyihiin Magaalada Kismaayo, si halkaasi ay baaritaan dheeri ah ugu maraan.
Dhanka kale waxaa jirta baqdin laga qabo in Shabaabku ay burburiyaan buundada facaweyn ee Araare, haddii ciidamadu ay ku sii dhawaadaan Degmada Jamaame. Buundadan ayaa qiyaastii 7km u jirta degmadaasi.
General Bogmadow ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay burburiyeen buundooyin ay ka mid yihiin kuwii ku yiilay deegaanada Buulo-gaduud iyo Wirkooy, inkastoo sida uu sheegay ay ciidamadu hagaajiyeen Buundada Buulo-gaduud, haddana ay gacanta ku hayaan tii Wirkooy.
Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda oo furay waddada dheer ee Baar Sanguuni ayaa sidoo kale dayactir ku sameeyay Buundada Fargogo, oo Shabaabku lagu eedeeyay in ay dumiyeen.
Ma cadda mudada ay hawlgaladu socon doonaan, balse General Bogmadow ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay ku soo afjari doonaan Shabaabka ay hujuumayaan.
Dhowr jeer oo hore isku dayo lagu doonayay in lagu xoreeyo Degmada Jamaame ayaa fashilmay.