Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa maanta daabacday tirada dadka rayidka ah ee la dilay 24 saac ee la soo dhaafay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay Ciidamada Israel dileen 71 qof ah, halka 182 kalena ay dhaawaceen.
Wasaaradda ayaa sheegtay in tan iyo bilowgii dagaalka tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza ay gaartay 36,550 qof iyo dhaawaca 82,959 kale.
Wasaaradda ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in dhammaan dadkan ay yihiin dad rayid ah, wax ay galabsadeena aysan jirin.
Warbixinta ayaa lagu xusay in dhibaneyaasha ay u badan yihiin dad qoysas ah, sida hooyooyin, carruur iyo dad da’ ah.
Ciidanka Cirka Israel ayaa har iyo habeenba duqaymo aan kala joogsi lahayn ka gaysanaya gebi ahaanba qaybaha Marinka Gaza.
Duqaymaha joogtada ah ayaa walaac ku haysa dadka rayidka ah ee halganka ugu jira, sidii ay u noolaan lahaayeen.
Israel ayaa isku dayeysa in ay kaga sii darto xaaladda dadka rayidka ah, ka hor inta aanay dib u bilaaban wada hadalada xabad joojinta ee colaadda Gaza.
Mareykanka ayaa Jimcihii dib u soo cusbooneysiiyay hindisihii xabad joojinta ee dagaalkan ka soconaya Marinka Gaza, isagoona Israel ku cadaadinaya in ay miiska wada hadalka ku soo laabato.